4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2014
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukunno ku ridday Eedeysanayaal

Talaado, Federaayo, 11, 2014 (HOL) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday eedeysanayaal la horkeenay, kuwaasoo ku kala eedeysanaa dilal kala duwan iyo kufsi, waxaana dib loo celiyay dacwooyin eedeysanayaal kale.

Maxkamadda ayaa la horkeenay 15 eedeysane oo gabi ahaantood rag ahaa, waxaana saddex ka mid ah lagu helay dilal ay geysteen, kuwaasoo laba ka mid ah lagu xukumay dil toogasho, halka midka kalena lagu xukumay inuu bixiyo diyo.

Eedeysanayaasha lagu xukumay dilka toogasho ayaa waxay kala yihiin: Cabdi Cabdulle Xasan oo 30-jir ah iyo Maxamed Axmed Dalmar oo 35-jir kuwaasoo ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay dilal bareer ah oo ay geysteen. Sidoo kalena, Maxamed Joodax Cali oo 55-jir ah laguna helay inuu si aan kas ahayn u dilay Xaawo Maxamed Daahir lagu xukumay inuu bixiyo diyo.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo xusay in eedeysane Axmed Maxamuud Abiib oo 30-jir ah lagu xukumay xabsi laba sano ah, kaddib markii uu isku dayay inuu kufsado gabar 12-jir ah oo lagu magacaabo, Deeqo Maxamed Aadan.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in eedeysanayaasha kale dib loo dhigay dacwooyinkooda, kaddib markii markhaati cad lagu waayay. Waxaana goobta uu xukunku ka dhacayay ku suganaa dacwoodayaasha iyo sidoo kale ehellada dadka eedeysan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda gobolka Banaadir ay xukunno ku riddo eedeysanayaal lagu soo eedeeyay kufsi iyo dilal ay geysteen, waxaana bishii hore ay sidan oo kale maxkamaddu xukunno ugu ridday dhowr eedeysane.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya