4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2014
Wasiir dalbaday in Qoxotiga Soomaaliyeed ay Dalkooda ku Laabtaan

Talaado, Federaayo, 11, 2014 (HOL) – Shir ay ka soo qayb-galeen madax kala duwan oo Afrikaan ah iyo hay'adaha Qaramada Midoobay loogana hadlayay arimaha Qaxootiga Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya,kaasi oo arimo badan lagu lafa-guray.

Midowga Afrika oo soo qaban-qaabiyay kulankan ayaa inta badan diiradda lagu saaray sdii looga dhabayn lahaa heshiiskii sanadkii hore dhex maray dowladaha Sooamaliya iyo Kenya ee ku aadanaa in qaxootiga Soomaliyeed dib loogu celiyo dalkoodi.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph ole Lenku oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa walaac ka muujiyay tirada qaxootiga ee wali ku sugan xeryo ay kamid tahay Dhadhaab,isagoo xusay in qaxootiga Soomaaliyeed ay kaalin fir-fircoon ku leeyihiin amni xumada inta badan ka dhacda gudaha Kenya.

"Qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan dalkeena waxaan ka dhaxalnay dhibaato dhanka amniga iyo waliba deegaanka ah fursad ayeyna inoo tahay in dib loo celiyo "ayuu yiri wasiirka oo xusay in dowladda Soomaliy looga baahan-yahay ka dhabayntii heshiiskii la wada gaaray.

Masuuliyiin ka socday hay'adda UNHCR ayaa iyagana soo jeediyay in qaxootiga meel walba oo ay tagaan ay xaq u leeyihiin helidda daganaanshaha dalka ay ku qaxeen ah si kor loogu qaado is-fahanka qowmiydaha ay la dagayaan.

Xeryaha ay maamusho dowladda Kenya wali waxaa ku nool qaxooti Soomaaliyeed oo lagu qiyaso 200,000 oo ruux oo Soomaali ah, kuwasoo halkaa tagay markii dagaalladu sokeeye ay ka dhaceen Soomaaliya.

Ugu danbayntii hadalkan ka soo yeeray wasiirka arimaha gudaha ayaa hoos dhac ku keeni kara xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, iyadoo waliba ay jiraan tiro Soomaali ah oo si iskood ah dib ugu soo laabtay qaybo kamid ah gobolada dalka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]