4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2014
Kulanka FAGAARAHA oo markii ugu horreysay lagu qabtay Muqdisho

Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeedka loo yaqaano FAGAARAHA oo horay taxane uga ahayd magaalada Minneapolis ee waddanka Maraykanka ayaa markii ugu horraysay ka dhacday magaalada Muqdisho; iyadoo ay ka qaybgaleen wasiirro ka tirsan xukuumada Soomaaliya, xildhibaano, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno.

Kulanka ayaa looga dooday qaabka ugu haboon ee loo heli karo dawlad wanaagsan ee Soomaaliya ay yeelato iyadoo uu daahfuray Sadik Warfa oo ah madaxa barnaamijyada dood cilmiyeedka ah ee fagaaraha kuwaasoo mar walba la isugu keeno aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Soomaalida si looga doodo badbaadinta dalka iyo xal u helida mushkilada Soomaaliya iyadoo la is waydaarsado fikirrada.

"Barnaamijkan waa mid aan ku dhiiri galinayno in Soomaalidu ay mar walba ka doodaan xal u helida mushkiladaha dalka ka taagan iyadoo la isticmaalayo qaab nabad galyo ah oo ku salaysan wadahadal" ayuu yiri madaxa barnaamijka fagaaraha Sadik Warfa.

Wasiirka cadaalada iyo arrimaha dastuurka Faarax C/qaadir oo kulankaasi ka qaybgalay ayaa sheegay in Soomaaliya ay taagantahay marxalad adag oo loo baahanyahay in dhammaan shacabka iyo dawladuba ay iska kaashadaan sidii loo adkayn lahaa hay’adaha dawlada loona sii wadi lahaa hannaanka ay Soomaaliya dawladnimadeeda ku soo ceshatay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:-


Wasiirka qorshaynta Siciid C/laahi (Danni) oo isna goobtaas ka hadlay aya sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ka go’antahay adkaynta dawlada wanaagga oo ay ka mid tahay in shacabka lala wadaago doodaha furan si afkaarta la isu dhaafsado.

Yuusuf Garaad Cumar oo ka qaybgalay doodaasi ayaa sheegay in dawlad wanaaga ay ka mid tahay hufnaanta isagoo ku tilmaamay dawlada haatan jirta inay ku guul darraysatay sidii shacabka loogu soo gudbin lahaa halka uu marayo xaalka dalka.

"Rag yar ayaa dawlada isku koobay, shacabkana looma sharrixin sababta wax looga qaban la’ayahay amniga" ayuu yiri Yuusuf oo ka hadlayay kulankaasi.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in aan xilligan lagu eedayn Karin dawladda dhisitaanka hay’adaha dawlada isagoo ku eedeeyay deeq bixiyayaasha inaysan lacagihii soo gaarsiinin dawlada taasoo dib u dhac ku keentay fulinta dhamaan mashaariicdii dalka laga fulin lahaa.

"Dawlada lagum eedayn karo dib u dhaca, annaga dawlado ayaa na taageera sida haatan lacagtu u soo daahday ayaa xilligayagii dhacday, taasna waxaa sabab u ah musuqmaasuqa nalaku eedeeyay" ayuu yiri Xoosh.

Kulanka oo dadweynihii kasoo qaybgalay ay su’aalo toos ah waydiinayeen masuuliyiintii halkaa fadhiday ayaa socday muddo dheer iyadoo doodaha ay ahaayeen kuwo si cilmiyaysan la isula qaadaa dhigayay qaabka ugu habboon ee Soomaaliya ay ku heli karto dawlad wanaagsan oo masuuliyad iska saarta dhisitaanka hay’adaha qaranka, soo celinta cadaalada iyo adkaynta amniga guud ee dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya