3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2014
Dowladaha Somalia iyo Burundi oo heshiis kala saxiixday (SAWIRRO)


Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — War murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Bulxan iyo dhiggiisa dalka Burundi, Laurent Kavakure ayaa lagu faahfaahiyay isfaham labada dowladood dhexmaray kaddib booqasho seddex cisho ah oo uu Muqdisho ku joogay wafdiga ka socda dowladda Burundi oo garoonka Muqdisho uu kusii sagootiyay gelinkii hore ee shalay wasiir-u-dowlaha wasaaradda, Burci Maxamed Xamza.

War-murtiyeedka oo uu saxaafadda u aqriyay safiirka dowladda federaalka Soomaaliya ee dalka Burundi, Abshir Xasan Abshir Farah ayaa waxaa lagu sheegay in labada dowladood ay isla garteen iskaashi wadajir ah oo ay ka sameeyaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, nabadgelyada iyo maal-gashiga .

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Waxaa kale oo labada dowladood ay isla garteen dhisidda guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo dowladda Burundi ay dhawaan ka furan doonto safaarad Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Burundi, Laurent Kavakure ayaa ku casuumay wasiirka arrimaha dibadda Somalia inuu booqasho rasmiy ah ah ku tago magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad-celisay dowladda iyo shacabka Burundi ciidamada nabad ilaalineed ee ay ku tabaruceen howlgalka nabad ilaalinta (AMISOM), iyadoo ciidamada Burundi ay kaalin weyn ku leeyihiin yihiin xasilinta ammaanka dalka, taasoo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aanay marnaba iloobi doonin dhiigga walaalnimo ee Burundi ay u daadisay howgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/11/2014 10:23 AM EST
Talaado, Federaayo, 11, 2014 (HOL) -Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland -laanteeda gobollada Bari, Sanaag, Karkaar iyo Gardafuuy- ayaa maanta xukunno kala duwan ku riddey 3 nin oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

2/11/2014 7:43 AM EST
Talaado, Federaayo, 11, 2014 (HOL) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday eedeysanayaal la horkeenay, kuwaasoo ku kala eedeysanaa dilal kala duwan iyo kufsi, waxaana dib loo celiyay dacwooyin eedeysanayaal kale.

2/11/2014 6:56 AM EST
Talaado, Federaayo, 11, 2014 (HOL) – Kulan ay ka soo qayb-galeen madax kala duwan oo Afrikaan ah iyo hay'adaha Qaramada Midoobay loogana hadlayay arimaha Qaxootiga Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya,kaasi oo arimo badan lagu lafa-guray.

2/11/2014 6:54 AM EST
Talaado, Federaayo, 11, 2014 (HOL) – Shir ay ka soo qayb-galeen madax kala duwan oo Afrikaan ah iyo hay'adaha Qaramada Midoobay loogana hadlayay arimaha Qaxootiga Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya,kaasi oo arimo badan lagu lafa-guray.

2/11/2014 4:09 AM EST
Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeedka loo yaqaano FAGAARAHA oo horay taxane uga ahayd magaalada Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa markii ugu horraysay ka dhacday magaalada Muqdisho; iyadoo ay ka qaybgaleen wasiirro ka tirsan xukuumada Soomaaliya, xildhibaano, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno.

2/11/2014 3:29 AM EST
Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka qaybgalay munaasabad ballaaran oo looga hadlayay horumarinta kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.

2/11/2014 3:20 AM EST
Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afirka ee AMISOM ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka billaabay gobolka Gedo oo ka mid ah gobollada lagu wareejiyay inay sugaan ammaankooda.

2/11/2014 3:19 AM EST
Talaado, Federaayo, 11, 2014 (HOL) - Kaddib markii uu soo baxay maalintii shalay warka ku saabsan qarax ka dhacay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan, kaas oo ka dhashay gaari lagu dul diyaarinayay walxaha qarxa, ayaa saraakiisha ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraan waxay sheegeen inay ka feejigan yihiin weerarro is qarxin ah oo ay damacsan yihiin Al-shabaab.

2/11/2014 3:10 AM EST
Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka qayb-galay kulan looga hadlayay ammaanka oo ka dhacay degmada Howlwadaag ayaa sheegay in loo baahan yahay inay iskaashadaan dadweynaha iyo maamulka.

2/11/2014 2:57 AM EST
Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — Dowlada jarmalka ayaa u diyaar-garoobaysa sidii ay ugu biiri lahaayeen howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya ,waxaana lagu wadaa in tiro ka tirsan ciidamada difaaca jarmalka ay ka qayb-qaataan tababarrada Midowga Yurub uu siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya.