4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2014
Ra'iisul wasaaraha C/weli oo ka hadlay Khayraadka dalka (SAWIRRO)


Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka qaybgalay munaasabad ballaaran oo looga hadlayay horumarinta kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.

Munaasabaddan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda oo shalay ka dhacday Muqdisho ayaa lagu casuumay iskaashatada kalluumeysiga gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale goob-joog ahaa wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Maxamed Colow Barrow, iyadoo wasiirku uu sheegay in wasaaraddiisu ay xoogga saari doonto tayeynta iyo horumarinta hay'addaha ku shaqada leh kalluumeysiga, isla markaana loo fududeyn doono ganacsatada inay soo saartaan kheyraadka badda, ayna u iib-geeyaan dalka dibadiisa iyadoo laga qafiifinayo canshuurta.

Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo isna munaasabaddan ka hadlay ayaa ku dheeraaday faa'iidadada ay kheyraadka badda u leedahay dalka, wuxuuna nasiib-darro ku tilmaamay in innagoo leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 3,333-KM in maalin kasta ay dhallinyaro Soomaaliyeed ku dhintaan gudaha badda iyagoo ka axsanaya dalkooda kheyraadka faraha badan Alle ku maneystay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

"Ma jirto sabab ay dhallinyaradeennu ugu dhintaan maalin kasta baddaha iyagoo u cararaya dalal shisheeye, waxaan leenahay kheyraad fara badan oo Alle na siiyay, baddeena waxaa la yiraahdaa waxaa ku jira in ka badan 6,000 oo noolo kala duwan ah, kuwaasoo dhammaantood wax-tar u leh bulshada, dhanka ganacsiga iyo dhanka adeegsiga, inyar oo kaliya ayaan ka faa'iideysanaa kheyraadkaas, waana in shacabkeennu ku baraarugaan wax soo saarka dalka iyo muhiimaddiisa," ayuu yiri C/weli Sheekh oo xusay in xukuumaddiisu ay muhiimad siineyso kobcinta iyo horumarinta kheyraadka dalka, sida kalluumeysiga, beeraha, xoolaha iyo qeybaha kale ee dalku hodanka ku yahay si loo helo bulsho wax-soosaar leh.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in xukuumaddu ay xooga saari doonto sidii loo sugi lahaa amniga, loona xasilin lahaa dalka si dhammaan gobolada dalka ay shacabku awood ugu yeeshaan inay si xor ah u horumariyaan kheyraadkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya