4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2014
Ciidanka Itoobiya oo Dhaqdhaqaaqyo ka Billaabay Koonfurta Somalia

Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afirka ee AMISOM ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka billaabay gobolka Gedo oo ka mid ah gobollada lagu wareejiyay inay sugaan ammaankooda.

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidammo fara badan oo Itoobiyaan ah ay kasoo tallaabeen soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasoo qaarkood ay u soo tallaabeen dhinaca degmada Baydhabo oo ay xarun weyn ku leeyihiin.

Sidoo kale, ciidamadan ayaa qaarkood waxay gaareen degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey oo ah xarunta gobolka Gedo, iyadoo saraakiil ka tirsan dowladda ay xaqiijiyeen inay iska kaashanayaan howlgal ku wajahan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ka tirsan gobolka Gedo ayna gacanta ku hayso Al-shabaab.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan ay Al-shabaab ku dhawaaqday in laga hortago dagaallada looga horjeedo ciidamada Itoobiya ku biiray AMISOM, waxaana saraakiisha kooxdan ay tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada Itoobiya ku tilmaameen kuwo lagu doonayo in Soomaaliya lagu kala jar-jaro.

Inkastoo wararka laga helayo gobolka Gedo ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay isku ballaarinayaan gobolka ayaanay jirin haddana warar kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay billaabeen ciidamada Itoobiya.

Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ayaa iyaguna dhaqdhaqaaq ka billaabay gobollada Bay, Bakool oo ay qaybo ka mid ah gacanta ku hayso Al-shabaab. Iyadoo dhawaan uu taliska AMISOM sheegay inay howgallo ka billaabayaan guud ahaan Soomaaliya si ay Al-shabaab uga saaraan deegannada ay gacanta ku hayso.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in dhowaan howl galo ballaaran ka dhici doonaan gobolada dalka, kadib markii la kordhiyay tirada ciidamada, isla markaana la kordhiyay qeybaha ciidamada AMISOM ka howl galayaan oo qorshuhu yahay in sanadkan Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya