4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2014
TARSAN: "Qofkii Shabaab ah ee la qabto waa in isla goobta lagu dilo"

/images/2013/Aug/Duqa_Muqdisho.jpg
Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka qayb-galay kulan looga hadlayay ammaanka oo ka dhacay degmada Howlwadaag ayaa sheegay in loo baahan yahay inay iskaashadaan dadweynaha iyo maamulka.

Tarsan ayaa is-weydiiyay sababta dhibaatada, argagaxa iyo cabsida loo gelinayo shacabka ku nool gobolka Banaadir, isagoo ka dhawaajiyay in Muqdisho loo diidan yahay horumarka baaxadda leh ee ka jira iyo weliba nabadda.

"Waxaa rabnaa inaan is-weydiino sababta magaaladan colaada loo gelinayo, dabka looga shidayo, maxaa loogu diidan yahay horumarka, maxaa dadkeenna khilaafka loo dhex-gelinayaa, maxaa magaaladeenna bar-tilmaameed u noqotay, barakicin, cabsi iyo argagax loogu hayaa," ayuu Tarsan isweydiiyay, isagoo xusay in dhammaantood la garan karo sababaha ay u dhacayaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa soo jeediyay in qofkii Al-shabaab ka tirsan ee la qabto lagu dilo goobta lagu qabtay, isagoo shacabka ugu baaqay inay dhagax ku dilaan, maadaama uu banneystay dhiiggooda.

"Anigu waxaa la yaaban yahay xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee waa la qabtay la yiraahdo halka la geeyo, waxaan soo jeedinayaa in barta lagu qabtay lagu dilo, waayo dhiigga ummadda ayay banneysteen, shacabka waa inay dhagax ku dilaan, in dhagax lagu dilo waxaan ahayn ma istaahilaan," ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inay dhamaatay xilligii ciidamada ay dagaalka la geli lahaayeen Al-shabaab oo loo baahan yahay in shacabka la dagaalamaan, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay ka hortagaan oo ay iska difaacaan kuwa doonaya inay dhiiggooda daadiyaan.

Ugu dambeyn, duqa Muqdisho ayaa ku guubaabiyay shacabka inay soo sheegaan xubnaha Al-shabaab ka tirsran ee ku dhuumaaleysanaya degmooyinka Muqdisho, isla markaana hay'adaha amniga kusoo wargeliyaan si sharciga loo mariyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya