4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2014
KISMAAYO: Siyaasiyiin kasoo Horjeeday Axmed Madoobe oo Kismaayo Gaaray (SAWIRRO)

Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) –Wafdi uu hogaaminayo Madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo qaar kamid ah siyaasiyiintii kasoo horjeeday maamulkiisa islamarkaana mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Siyaasiyiinta maanta Kismaayo soo gaartay waxaa kamid ah Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen, oo kamid ahaa dhinacyadii magaalada Kismaayo kula dagaalamay maamulka Jubba.

Wafdigan ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba, waxgarad iyo siyaasiyiin kale.

Intaa kadib ayay shir jaraa'id si wadajir ah ugu qabteen hoolka nasashada garoonka Kismaayo Madaxweeynaha maamulka Jubba iyo xubnihii wehlinayayay, waxaana ugu horeeyay goobta ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Jen. Fartaag, kaasoo wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada Kismaayo.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:-

Madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay kasoo qeybgaleen aaskii AUN Ra'isul wasaarihii hore ee dalka C/risaaq Xaaji Xuseen, wuxuuna xusay in safarkoodii uu ahaa mid ay waxyaalo badan kasoo faa'iideen.

Masuulkan ayaa xusay in ay hore usoo raaceen siyaasiyiinta kala ah Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen oo uu sheegay in ay hore u wada gaareen heshiis balse ay maanta suurogashay in ay dib ugu soo laabtaan gobolka.

Intaa kadib ayaa waxa isna goobta ka hadlay Cabdi Baaleey Xuseen, kaasoo sheegay in magaalada Kismaayo ay u yimaadeen sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen nabadda iyo dhismaha maamulka Jubba, wuxuuna kula dardaarmay siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubooyinka in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo sidii ay xallin lahaayeen waxyaalaha dhexdooda ah.

Xubnahan maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii magaalada Muqdisho heshiiska kula sixiixday maamulka Jubba.

Hasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya