4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2014
Faahfaahin ku saabsan Mas'uul lagu qarxiyay Muqdisho (SAWIRRO)

Isniin, Febaraayo 10, 2014 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa Muqdisho lagula eegtay maanta mas'uul sare oo ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo aanay jirin illaa hadda sheegatay mas'uuliyaddiisa.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenkiisii dhinaca ammaanka laga jaray lug, sidoo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen qaybta sare ee jirdkiisa.

"Qaraxa wuxuu ahaa mid loogu xiray gaarigiisa, waxaana kasoo gaaray guddoomiye ku xigeenkayga dhaawac culus, inkastoo lagu daweynayo hadda isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho," ayuu yiri Siidii oo wareysi siinayay VOA-da isagoo ku sugan Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Guddoomiyaha oo la weydiiyay su'aal ahayd inay jirto cid ay tuhmayaan iyo goob lagula xiray qaraxan gaariga uu guddoomiye ku xigeenku watay ayaa sheegay inay ku tuhmayaan Al-shabaab, balse aysan jirin goob ay tuhmayaan in gaariga lagula xiray miinada.

Ma jirto cid kale oo ay waxyeello kasoo gaartay qaraxan, iyadoo weerarkan uu ka mid yahay weerarro dhowr ah oo noociisa ah, kuwaasoo lagu qarxiyay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xildhibaanno ay ka mid yihiin.

Hay'adda dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin qaraxa uu maanta ku dhaawacmay mid ka mid ah guddoomiye ku xigeennada gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo qaraxan uu kusoo beegmay xilli Al-shabaab laga qabsaday deegaanka Gandershe oo isku xira Muqdisho iyo Marko.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya