4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2014
Golaha wasiirada Puntalnd oo kulankii koowaad yeeshay (SAWIRRO)


Isniin, Febaraayo 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshan golaha wasiirrada cusub ee Puntland, waxaana looga hadlay arrimo badan.

Shirka wasiirrada ayaa waxaa lagu dhageystay warbixinno ku saabsan sidii ay wasiirradu ula wareegeen xilalka todobaadkii tagay, iyadoona sidoo kale lagu soo qaaday sugidda ammaanka iyo siyaasada guud ee xukuumaddu ku shaqaynayso.

Kulanka ayaa waxaa lagu dhaariyay wasiiradda qorshaynta iyo Beeraha kuwaasoo dalka dibaddiisa ku maqnaa xiligii la dhaarinayay wasiirrada, iyagoona dhawaan hortagi doona baarlamaanka si loo ansixiyo.

Xilliga uu soo dhammaaday shirka gollaha wasiirrada waxaa saxaafadda uga warbixiyay arrimaha looga hadlay madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas, wuxuuna sheegay in wasiirradii hore iyo kuwa cusub ay si wanaagsan ula kala wareegeen xilalka, ayna ku faraxsan yihiin sida ay xilligan xukuumaddu howlaheeda billowday.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweyne Gaas ayaa shirkiisa jaraa'id kusoo qaaday in mushaarkii ugu horreeyay ay bixisay xukuumaddisa, isla markaana bishan heleen mushaaraadkoodii shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, wuxuuna intaa raaciyay in hawsha xukuumadda ay si wanaagsan u billaabatay.

Waxaa kalo madaxweynaha uu codsi u diray shacabka iyo xubanaha bulshada ee doonaya inay yimaadaan xarunta madaxtooyada, isagoo hadalkiisa kusoo qaaday in fursad loo siiyo xukuumadda sidii ay hawlaheeda u gudan lahayd.

"Maadaama ay shaqadii billaabatay waxaan rabnaa in fursad naloo siiyo inaan dadka u shaqeyno oo wakhtiga aana looga qaadin booqasho iyo qaabilaad, wasaaradihii waa shaqo bilaabeen qofkii dan dowladdeed leh inuu aado xafiisyada ay khuseyso ayaa la doonayaa, xilliyo cayiman ayaan ugu talo-galnay qaabiladda iyo wixii jira oo macluumaad ah inaan la qaybsano dadweynaha,’’ ayuu yiri madaxweynuhu.

C/wali Gaas wuxuu kaloo ka digay in lagu takrifalo hantida dowladda oo ah mid ummadda ka wada-dhaxeysa, iyadoo uu xusay inay jiraan hanti aan weli lagu soo wareejin dowladda sida gaadiid wasaaradaha qaarkooda.

"Shaqsiyaad ka mid ah xukuumaddii hore waxaa ku maqan hanti dowladdu ay leedahay, waxaana kuwa fareynaa inay si dhaso ah kusoo wareejiyaan maadaama ay hanti dowladeed tahay," ayuu mar kale yiri Gaas.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland wuxuu xusay in xukuumaddiisa ay diyaar u tahay inay la xisaabtanto cid walba, ayna doonayaan inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii ahaa inay la imaan doonan isbedel muuqda.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya