4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2014
Mudane sheegay in ciidamada Kenya aysan kawada baxay Kismaayo

Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) – Guddoomiyaha howlaha baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay arrimaha ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM oo la sheegay inay ka baxayaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isagoo beeniyay in ciidanka Kenya ay ka baxayaan Kismaayo.

Xildhibaan Aadan Barre oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in qayb ka mid ah ciidamadooda ay Kismaayo ka baxyaan, si ay ula shaqeeyaan ciidamada Sierra Leone iyo kuwa maamulka KMG ah ee Jubba.

"Ciidankeenna kama baxayaan Kismaayo, waxaa ku hari doona 200-askari kuwaasoo la shaqeyn doona kuwa ka socda dalka Sierra Leone ee hoggaanka howlgalka lagu wareejin doono, sidoo kale ciidamo booliis ah oo ka socda dalka Nigeria ayaa Kismaayo la geynayaa, kuwaasoo tababari doona ciidamad maamulka Jubba," ayuu yiri xildhibaan Aadan Barre.

Sidoo kale, xildhibaanka oo laga soo doorto magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa intaa ku daray in howlgalka AMISOM isbedel lagu sameeyay, isagoo xusay in hal guuto oo ciidamada Kenyaka mid ah la geyn doono degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo ka tirsan Jubbooyinka.

"Howlgalka qaybta afaraad ee AMSIOM isbedel ayaa lagu sameeyay, hannaanka la dejiyay waxaa ka mid ah in ciidamada Kenya, Uganda, Burundi iyo Itoobiya ay Al-Shabaab ka saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka, maadaama Kismaayo laga saarayo hal guuto oo ciidamada Kenya; kuwaasoo la geynayo degmooyinka Jilib iyo Jammaame," ayuu xildhibaanku ku sheegay wareysiga.

Dhanka kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in ammaanka Soomaaliya ay dani ugu jirto dalalka gobolka, sida Kenya, Uganda, Itoobiya iyo dalalka kale, wuxuuna xusay in dalalka gobolka ay dadaal ugu jiraan sidii ay u xasilin lahaayeen Soomaaliya.

Hadalka mudanahan ayaa kusoo beegmaya xilli ururka Midowga Afirka uu dhawaan sheegay inay hoggaanka qaybta afaraad ee howlgalka AMISOM ee Jubbooyinka laga bedelay ciidamada Kenya laguna wareejinayo kuwa ka socda dalka Sierra Leone, isla markaana intooda badan laga saarayo degmada Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya