4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2014
MUQDISHO: Qarax goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama


Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) – Qarax ayaa goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu ku qarxay inta u dhexeysa Taree Biyaano iyo KM4.

Bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, gaar ahaan laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir. Axmed Cumar Mudane oo ah gudoomiye ku-xigeenka amniga gobolka Shabeelaha Hoose ayaa qaraxaas ku dhaawacmay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Siidii oo wareysi siiyay laanta afka-Soomaaliga ee VOA ayaa xaqiijiyey in weerarkaan uu ku dhaawacmay ku-xigeenka amniga ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Faah faahin dheeri ah lagama hayo qaraxa iyo weliba khasaaraha uu geystey, wuxuuse ahaa mid aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay goobo aad uga fog halka uu ka dhacay.

Ciidamada ammaanka oo daqiiqado kaddib goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ayaa xiray qaybo kamid ah jidka KM4.

Saraakiisha ammaanku weli qaraxan kama hadlin, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda mas'uuliyadda qaraxaas sheegatay.

Faah faahin dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya