kaddib markii ay dhaq-dhaqaaqyadii xornima-doonku dalka ka bilowdeen, wuxuu C/risaaq Xaaji Xuseen kamid ahaa dhallinyaradii ololaha xooggan u galay in dalka Soomaaliya uu xornimo buuxda helo.Sanadkii 1944 ayuu kamid noqday Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Club) SYC. Kaddib markii magaca ururkii SYC loo beddeley (Somali Youth League) SYL, waxaa C/risaaq Xaaji Xuseen loo doortay xog-hayihii guud ee ururka sanadkii 1955.Markii uu dalku xornimada qaatay 1960kii, C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka. Isla 1960-kii wuxuu kamid noqday xukuumaddii ugu horreysey ee uu ra'iisul wasaaraha ka ahaa C/rashiid Cali Sharmaarke.Wasiirka arrimaha gudaha ayuu soo noqday muddadii u dhexeysey 1960 ilaa 1962. Intaas kaddib waxaa loo magacaabay wasiirkii howlaha guud iyo is-gaarsiinta isagoo xilkaas hayey intii u dhexeysey sanadihii 1962 ilaa 1964.Sanadkii 1964 ayuu madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan wuxuu C/risaaq Xaaji Xuseen usoo magacaabay inuu noqdo ra'iisul wasaarihii labaad ee Soomaaliyada xorta ah, xilkaasoo uu hayey tan iyo sanadkii 1967.Kaddib markii ay mileterigu xukunka dalka la wareegeen Oct 21, 1969, C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu kamid ahaa siyaasiyiin dhowr ah oo xabsi guri lagu xukumay, wuxuuse dib xorriyaddiisa u helay bishii April, 1973.Intii ay dalka ka jirtey dowladdii kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa wakiilka Soomaaliya u jooga qaramada midoobay, xilkaasoo uu hayey muddo shan sano ah, waqtigaas oo ku beegan intii u dhexeysey sannadihii 1974 ilaa 1979.Shaqsiyaddiisa
WAREYSI AY HIIRAAN ONLINE LA YEELATAY C/RISAAQ XAAJI XUSEEN
Xigasho:1-Mukhtar, Mohamed Haji (2003). Historical dictionary of Somalia (New ed. ed.). Lanham, Md.: Scarecrow Press. p. 18. ISBN 0810866048.2-Who's Who in the Arab World 2007-2008. Walter de Gruyter. p. 397. ISBN 3110930048.3- VOA - Laanta Afka-soomaaliga.4- C/qafaar Xaaji Xuseen - C/risaaq Xaaji Xuseen walaalkiis.Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online.[email protected]Puntland, Soomaaliya