4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2014
Raila Odinga oo si adag u dhaliilay howlgallada lagu Qabqabtay Soomaalida


Arbaco, Abriil 09, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya, Rail Odinga ayaa dhaliilay qaabkii ay dowladda Kenya ula dhaqantay dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi, kaddib howlgallo lagu qabqabtay kumannaan Soomaali ah oo ay ciidamada ammaanka Kenya ka sameeyeen magaalada Nairobi.

Odinga oo wareysi gaar ah bixiyay isagoo jooga Boston, Mareykanka ayaa sheegay inuu aad ula yaabay inay bartilmaameed ka dhigtaan ciidamadu dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadda Islii, intii ay socdeen howlgallada lagu raadinayay kuwa lagu tuhusan yahay argagaxisonimada.

“Qaladku ma ahan oo kaliya qaabka ay xukuumaddu u raadinayso kooxaha looga shakisan yahay inay argagaxiso yihiin, balse waxaa ka daran waxa ka dhalan kara mustaqabalka. Ma habboona in ciidamada loo fasaxo inay mid ka mid ah qowmiyahada Kenya u nisbeeyaan inay falalka argagaxisda ku lug leeyihiin,” ayuu yiri Odinga.

Sidoo kale, Odinga wuxuu sheegay inay iska caddahay in Soomaalida keliya aysan sameeyn falal aragagaxiso ah, balse ay iyagana saameeyeen dhammaan qowmiyadaha u dhashay dalka Kenya.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya ayaa intaas ku daray in hore loo arkay dad kasoo jeeda qowmiyado kale oo aan Soomaali ahayn ay falalka argagaxiso ka sameeyeen gudaha dalka Kenya.

“Waxaan aragnay dhallinyaro kasoo jeeda beelaha Luo, Luhya, Kikuyu iyo kuwo kale oo la soo taagay maxkmad iyagoo loo haysto falal argagaxiso oo ay Kenya ka geysteen,” ayuu hadalkiisa raaciyay Raila Odinga.

Ugu dambeyn, Odinga wuxuu ugu baaqay dowladda Kenya inaysan dib u soo celin wixii ka dhacay Wagala oo qowmiyadda Soomaalida oo kaliya bartilmaameedka looga dhigay, loona geystay xasuuq aad u fool xun.

Booliiska Kenya ayaa howlgallo uu tan iyo toddobaadkii hore ka waday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ay ku qabqabteen in ka badan 4,000 oo Soomaali ah, kuwaasoo laga soo qabqabtay guryahooda, goobahooda ganacsiga iyo jidadka.

Hadalka Odinga ayaa kusoo beegmaya iyadoo 81-qof oo Soomaali ah oo noqonaya kuwii ugu horreeyay ee Kenya laga soo celiyo maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya