4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2014
Madaxweynaha Somalia oo lagu soo dhaweeyay Dalka Burundi (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 09, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay xarunta dalka ee Bujumbura, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa booqashadan.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Bujumbura kusoo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay madaxweynaha Burundi, Pierre Nakarunziza, iyadoo dalka Burundi ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo toddobaadkii hore safar uga ambabaxay Muqdisho ayaa tagay dalalka Belgium oo uu kaga qaybgalay shirkii madaxda Midowga Afirka iyo kuwa Midowga Yurub, Kenya oo uu madaxda dalkaas kala hadlay sidii xuquuqda dadka Soomaaliyeed loo ilaalin ahaa iyo Ruwanda oo uu kaga qaybgalay xasuuqii ka dhacay dalkaas sannadkii 1994-kii.






Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya