4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2014
Xoghayihii Maamulka Degmada Wadajir oo Maanta Qarax Miino lagu dilay

Arbaco, Abriil 09, 2014 (HOL) — Xoghayihii maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu dilay qarax Miino oo la sheegay inuu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray gaarigiisa.

Afhayeenka maamulka degmada Wadajir, C/samad Maxamed C/raxmaan ayaa u xaqiijiyay saxaafadda dilka xoghayihii Wadajir, Maxamed Maxamuud Abuu Xaaji, isagoo sheegay in lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray.

“Qarax miino ayaa lagu dilay xoghayaha, geeriduna waa xaq, waxaana dilkaan ka dambeeyay kuwo fidno wadayaal ah, balse waxaa socda baaritaanno lagu baadi-goobayo sharciga ayaana horkeenni doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa intaas ku daray inaysan jirin cid ay si gaar ah dilka ugu eedeynayaan, balse ay baaritaanno socdaan, iyadoo aysan jirin cid sheegatay in ay ka dambeysay dilka xoghayihii degmada Wadajir.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya lagu dilo qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray, iyadoo horraantii sannadkan sidan oo kale qarax gaarigiisa loogu xiray lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii gobolka Shabeellada Hoose.

Falalka noocan oo kale ah ayay mas’uuliyiinta dowladda Somalia ku eedeeyaan inta badan inay mas’uul ka tahay Al-shabaab, inkastoo kooxdan ay dhowr jeer iska fogeysay falal noocan oo kale ah oo lagu eedeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya