4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2014
Madaxweynaha Puntland oo la shiray bulshada gobolka Mudug (SAWIRRO)

Arbaco, Abriil 09, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kulan kula yeeshay xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan kuwaas oo isugu jirey: wasiirro, xildhibaanno, maamulka gobolka Mudug iyo maamulka degmada Gaalkacayo.

Bulshada kulanka ka qayb gashay oo aad u fara badnayd ayaa Madaxweyne Gaas usoo gudbiyey talooyin wax ku ool ah oo ku saleysanaa horumarinta magaalada Gaalkacayo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Waxay sidoo kale muujiyeen inay aad uga xun yihiin dilkii labo maalmood kahor garoonka diyaaradaha ee Galkacayo loogu gaystay laba sarkaal oo ajnebi  ahaa una shaqaynayay Qaramada Midoobay, iyagoo eheladoodana tacsi u diray.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Madaxweynha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahad celiyay bulshada Galkacayo sidii diiranayd ee ay ugu soo dhoweeyeen magaalada.

Mudane Gaas ayaa dhanka kale si qota dheer u dhegaystay talooyinka kala duwan ee kasoo baxayey bulshadii uu maanta kula kulmay magaalada Galkacayo, wuxuuna si cad u tilmaamay in uu qaadanayo kuna dhaqmi doono inta ugu wanaagsan  talooyinka ay bulshada gobolka Mudug usoo gidbiyeen hogaanka sare ee Dawladda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedka safarkiisa Mudug uu ku salaysan yahay sidii ay dawladdu u waraysan lahayd ulana tashan lahayd Bulshada, si loo helo isbedelkii ay dawladdiisu ballan qaaday.

Kulanka oo qaatay saacado fara badan ayaa hal kudhig looga dhigay "Kulanka Wada Tashiga Dawladda Iyo Shacabka Galkacayo" waxaana soo qaban qaabisay hay'adda cilmi barista Puntland ee PDRC.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya