4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
Britain oo dalbatay in baaritaan adag lagu sameeyo dilkii Saraakiishii UN-ka

Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska William Hague ayaa canbaareeyay dilka laba ruux oo ka tirsana Qaramada Midoobay,kuwaasi oo howlo shaqo u tagay magaalada Gaalkacyo oo ah halka ay toogashadu ka dhacday.

"Waan idiin xaqiijin karaa inaan ka xumahay  dhimashada qof  haysta dhalashada Ingiriiska oo lagu dilay  garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo "ayuu yiri Hague oo la hadlayay idaacad FM ah oo ku taalla gudaha dalkaas ,isago falkas ku tilmaamay arin aad looga naxo.

"Si lamid ah waan canbaaraynayaa arintaas ,anigoo tacsi tiiraanyo leh u diraya eheladii ay labadaa ruux ka geeriyoodeen "ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan oo Puntland ugu baaqay in baaritaano dhab ah lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen .

William ayaa tilmaamay in labada ruux ee geeriyootay  ay ka howl-galayeen xafiiska la dagaalanka mukhaadaraadka iyo danbiyada Qaramada Midoobay si ay uga qayb-qaataan in Somaaliya ay dib cagaheeda ugu istaagto.

"Puntland waxaa looga baahanyahay in ay soo cadeeyaan arintan iyo sababaha keenay si cadaalad loogu helo ciddii ka danbeeysay falkan," ayuu mar kale yiri Hague oo si qota dheer uga hadlayay dilkan.

Ugu danbayntii madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa tacsi u diray ehelada labada sarkaal ee la dilay, isagoo xusay in ay socdaan baaritano adag oo la xiriira in gacan ku dhiiglaha falkan loo adeegsaday iyo in kale .

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]