4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka Hadlay dilkii Shaqaalihii Hay'adda UNODC

Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa cambaareeyay dilka laba sarkaal oo ka tirsanaa UNODC loogu geystay maanta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

“Aad ayaan uga murugooday warka sheegaya in la dilay laba shaqaalaha UN-ka ka mid ah. Waxaana qoysaskooda iyo saaxiibbadood u dirayaa tacsi,” ayuu ku yiri ra’iisul wasaare C/weli qoraal xafiiskiisa kasoo baxay.

Isagoo intaas ku daray: “Xukuumadeydu waxay sii wadi doontaa dagaalka ay kula jirto kuwa wada xadgudubyada ka dhanka ah bani’aadamnimada iyo in laga dhigo Soomaaliya goob nabad ah oo ay shacabka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha shisheeye ku nabadgalaan.”

C/weli Sheekh ayaa dalbaday in kuwii falkaas dilka ah geystay si dhaqso ah loo  horkeeno cadaaladda, isagoo xusay inaysan ogoleyn in dhibaatooyinka loo geysanayo dadka aan waxba galabsan.

Saraakiishan u shaqeynayay Qaramada Midoobay ee lagu dilay Gaalkacyo ayaa la sheegay in midkood uu ahaa British, halka kan kalena uu ahaa Canadina, waxaana dilkooda geystay nin ka mid ah ilaalada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas oo ku sugan Gaalkacyo kana hadlay dilkan ayaa sheegay in ruuxii dilka geystay iyo kii qoriga lahaaba ay hadda ku xiran yihiin saldhigga booliiska Gaalkacyo, baaritaanna lagu sameynayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya