4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2014
LAQANYO: “Way sii soconayaan howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab”

Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne, kadib howlgalkii lagula wareegay bishii hore degmada Buula-burte ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xaalada degmada iyo halka ay marayaan howlgallada ciidamada maamulka iyo kuwa midowgga Africa AMISOM.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaalada degmada Buula-burte xiligan tahay mid degan, islamarkaana dadkii ka barakacay bilaabeen intooda badan in ay dib u soo guryo noqdaan, waxaana uu intaa raaciyay in mudadii ay joogeen degmada isaga iyo saraakiisha kale ee maamulka halkaa kula shireen wafdi ka socda QM oo ay kala hadlleen xaalada  bani'aadannimo ee ka jirta degmada.

''Degmada Buula-burte hadda nabad-galyo buuxda ayaa ka jirta, dadkii ka barakacayna dib ayeey guryahooda ugu soo laabteen, annaga ka maamul ahaan dadka waxaan ugu baaqney in ay degmada ku soo laabtaan, anniga oo ammnigooda damaanad-qaadeyna, waxaana muuqata in dadku fariintii aan u dirnay qaateen oo ay hadda soo gurya noqdeen,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Waxaa uu ku eedeeyay Al-shabaab in ay bilaabeen cuqabateynta sidda uu hadalka u dhigay dadka rayidka ah, iyaga oo u diiday meelaha qaar inay u gudbaan gadiidka sida xamuulka sida raashinka iyo shidaalka, taasoo ah ayuu yiri caqabad weyn oo soo food saartay dadka rayidka ah.

''Markii ay ogaadeen in ciidamada maamulka iyo kuwa AMISOM ku soo fool leeyihiin waxaa ay bilaabeen in ay cadaadiska ku sii kordhiyaan dadka rayidka ah, tusaalle ahaan deegaannada hoostaga degmada Buul-burte dadka ku dhaqan oo u badan dad beeraley ah waxaa ka halaabaya dalagii ay dhigteen, kadib markii waayeen shidaal ay ku wabaarsadaan beeraha, madaama loo diiday in deegaannadooda ay tagaan wax gadiid ah,'' ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in dad da'ah lagu qasbo sida uu hadalka u dhigay isaga isaga lugaayeen masaafo ka badan 40km, gaar ahaan deegaanka Halgan iyo degmada Buula-burte, kadib markii ay Al-shabaab u diideen gadiidka in ay u dhaafaan degmada Halgan dhinaca degmada Buula-burte.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu bilaabanayo wajigii labaad howlgalka ka dhanka ah sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab, qorshaha ugu soo horeeyanaya yahay in leysku furo wadada isku xirta degmada Buula-burte iyo magaalada Beledweyne.

''Ujeedada aan hadda dib ugu soo laabanaya magaalada Beledweyne waa inaan isku furno wadada isku xirta degmada Buula-burte iyo Beledweyne, gaar ahaan deegaannka Halgan, dhawaanna howlgalkaas waa uu bilaabanayaa,'' ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

''Uma dul-qaadaneyno in xiligan adag la dhibaateeyo dadka rayidka ah, ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo AMISOM waxaa ay diyaar u yihiin in ay shacabka ka dul-qaadaan culeyska saaran,'' ayuu hadalkiisa raaciyay.

Degmada Buula-burte ayaa waxaa la wareegay bishii aynu soo dhaafnay ciidanka maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa midowgga Africa AMISOM gaar ahaan ciidamada Jabuuti, waxaana ismiidaamin ah oo ay degmada ku qaadeen isla bishii aynu soo dhaafnay ku geeriyooday abaanduulihii ciidamada xoogga ee gobolka Hiiraan iyo askar ka tirsaneyd ciidamada Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya