4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2014
Saraakiil ka Tirsran Qaramada Midoobay oo Maanta lagu Toogtay Gaalkacyo

Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) — Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta oo lagu toogtay laba sarkaal oo u shaqeynayay hay’adda UNODC oo la dagaalanta daroogada iyo damiyada.

Ruuxa dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ciidanka Puntland ee garoonka ku sugan, waxaan dilka saraakiishan cambaareeyay ergayga UN-ka ee arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay.

Maydadka saraakiishan ayaa la filayo in isla maanta loo qaado magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ay kasoo saareen maamulka Puntland dilka loo geystay labadan sarkaal.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa dilka saraakiishan UN-ka ka tirsan, kuwaas oo u joogay gaalkacyo inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu danjire Kay ku sheegay hadal uu soo saaray.

Ergayga ayaa ka dalbaday inay baaritaan ku sameeyaan kooxahaa dilkaas ka dambeeyay, ayna u horkeenaan cadaaladda si deg-deg ah. Isagoo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Dilka saraakiishan ayaa kusoo beegmaya xilli uu maanta Gaalkacyo tagay C/weli Gaas oo ah madaxweynaha maamulka Puntland, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka saraakiisha.

Wixii kasoo kordha warkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya