4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2014
XASAN SHEEKH: "Soomaalidu waa inay wax ka ilaaliyaan Ammaanka Kenya"

Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Kigali ee xarunta dalka Ruwanda ayaa Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula taliyay inay ciidamada amniga kala shaqeeyaan sugidda ammaanka.

Xasan Sheekh oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi ayaa sheegay in looga baahan yahay diini ahaan iyo dadnimo  ahaan inay qayb ka qaataan sugida amniga dalka ay ku nool yihiin.

“Kenya waa meeshii ay Soomaalidu u soo carareen markii ay waayeen meel ay ku noolaadaan ama ku ganacsadaan, waa meeshii ay gacansateennu markii ay aamini waayeen dalkooda hantidii ay haysteen halkan ula soo cararay oo dhaqaale badan ku sameeyay, marka waxaa la idinka doonayaa inaad ka shaqeysaan amnigeeda,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in sannadkii 1993-kii uu safar ku tagay magaalada Nairobi oo uu muddo joogay, isagoo xusay in isbedelka maanta jira iyo xaaladdii xilligaas jirtay ay aad u kala duwan yihiin.

“Magaaladan waxaa ka jira xilligan isbedel weyn, anigu waxaan ka mid ahaa dadkii kasoo barakacay Soomaaliya markii ay Al-shabaab soo baxday, halkaan ayaana ku noolaa muddo sannado ah, marka waxaa la idinka doonayaa maadaama ay aadan saraha qurxoon ee Nairobi aad ka dhisateen geysan karin Muqdisho, waxaad ku qasban tihiin inaad ammaanka wax ka ilaalisaan,” ayuu madaxweynuhu mar kale yiri.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sababta Soomaalida loo beegsnayo ay tahay in dalkooda ay Al-shabaabs saldhigyo ku leedahay, balse aysan jirin sabab kale oo loo beegsanayo mar walba oo ay wax dhacaan.

“Soomaaliya waxaa ku dhacday musiibo, Al-shabaabna waxay ka faa’iideystaan taas waxayna Soomaaliya ka dhigteen saldhig, balse kooxdan cid walba waa ku jirtaa Afrikaan, Carab iyo reer Galbeed, waxayna wataan fikir aan xuduud lahayn,” ayuu madaxweyne Xasan hadalkiisa raaciyay.

Hadalka madaxweynaha oo u muuqda mid isugu jiray talo-celin iyo guubaabo ayaa ugu dambeyn u sheegay Soomaalidii uu la kulmay inay ka shaqeeyaan sidii ay uga nabadgeli lahaayeen ciidamada Kenya ayna u nabad-gelin lahaa shacabka Kenya.

Gaba-gabadii ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sheegay inuu kala hadlay madxda Kenya sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isagoo xusay in iyagana looga baahan yahay inay waxqabad cad la yimaadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya