4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Hay’adda UNHCR oo ka digtay in la dhibaateeyo Soomaalida ku nool Kenya

Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa maanta sheegtay inay ka walaacsan tahay Soomalida laga musaafurinayo dalka Kenya, kuwaasoo lagu qabqabtay howlgallada ka socda magaalada Nairobi.

UNHCR ayaa sheegtay in howl-gallada booliiksa Kenya ay ka wadaan xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii lagu soo qab-qabtay in ka badan 1,000 qof  oo qaarkood ay ahaayeen dad magan-galyo doon ah, iyadoo ka digtay xad-gudubyo loo geysto dadlka howl-gallada Nairobi ka socda lagu qab-qabtay.

“Waynu garow-sannahay inay jiraan khataro ammaan oo Kenya ay wajahayso, balse ma aha in qof horay uga soo cararay dagaalka ka socda gobollada Somalia oo magan-galyo u yimid Kenya in dib loogu celiyo iyadoo wali ay khatartii jirto,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay UNHCR.

Sidoo kale, UNHCR ayaa warbxinteeda ku sheegtay inay booqatay garoonka lagu ciyaaro ee Kasarani oo lagu hayo boqollaal Soomaali ah, ayna awood u yeelatay in ay hubiso siideynta dad haystay kaararka qaxootinimada, iyadoo sheegtay inay xaaladda garoonku tahay mid aan wanaagsanayn, uuna buux-dhaafay.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay ka dalbatay xukuumadda Kenya inay ka fogaato dhibaateynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee magan-galyo doonka ah, dadka haysta sharciga Kenya iyo kuwa haysta karaarka qoxootinimada ee UNHCR ay bixiso.

Warbixintan ay soo saartay hay’adda UNCHR ayaa kusoo beegmaysa xilli Somali lagu qabqbatay dalka Kenya dib loogu soo celiyay Soomaaliya, kuwaasoo tiradoodu ahayd 173-qof, kuwaasoo laba jeer kala keenay, waxayna isugu jireen rag, dumar, caruur iyo waayeel.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna horay uga digtay in dhibaatooyin loo geysto Soomaalida howlgallada ka socda Nairobi lagu qabqabto, waxaana sidoo kale si adag u cambaareeyay arrintan hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda.

Xukuumadda Kenya ayaa ku andacoonaysa in howlgalkan uu yahay mid ay kaga hortagayso kooxaha falalka ammaan-darro dalkeeda ka geysanaya, iyadoo xustay inay ka masaafurinayso dalkeeda dadka aan sharciga haysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya