4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Xukuumadda oo sheegtay inay ka hortagayso in la dhageysto Madaxda Dalka

Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Somalia, Maxamed Ibrahim Xaaji ayaa sheegay maanta in xukuumaddu ay ka hor-tegi doonto n la dhageysto taleefoonnada madaxda dowladda Somalia.

Hadalkan ayuu wasiirku ku sheegay barnaamij lagu wareysto madaxda dowladda oo maanta ka baxay idaacadda ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho.

Warbaahinta caalamka ayaa bishii lasoo dhaafay sheegtay warbixin lagu sheegay in CIA-da Mareykanka ay dhageeystaan taleefoonnada madax ka mid ah kuwa caalamka, waxaana liiska ku jiray madaxweynihii hore Soomaaliya marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Wasiirka ayaa sheegay inaan wax la jecleysan karin ay tahay in qof shaqsi ah la dhageysto xiriirka uu ku sameenayo qadka taleefoonka, isagoo sheegay inay ka qaadan doonaan arrintan taallbo adag.

Sidoo kale, wasiirka ayaa soo hadal-qaaday howlaha wasaarada boostada isagoo sheegay in hadda ay mareyso howsheeda meel aad u wanaagsan, isagoo intaas ku daray in boostada markii hore lagu soo dirsan jiray warqado oo kale, laakiinse hadda lagu soo dirsado agab kale oo waaweyn.

Hay’adda sirdoonka dibadda ee Mareykanka CIA-da ayaa waxaa lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah u dhageysato madaxda caalamka, kuwaasoo ay mid yihiin madaxda dalalka Yurub, sida ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angel Markel.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Midowga Yurub ayaa dhawaan si caro leh uga hadleen arrintan, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay dowlada Soomaaliya ka dhawaajiso hadalkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya