4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Wiil Soomaaliyeed oo Hooyadiis ku dilay Magaalada Copenhagen ee Denmark

Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Wiil Soomaaliyeed ayaa magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ku dilay hooyadii, iyadoo dhacdadan ay noqonayso tii ugu horreysay nooceeda oo ka dhacda gudaha qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Hooyada ayaa la sheegay in wiilkeeda iyo iyadu ay murmeen, taasna ay keentay in uu toorreey ku dilo, isagoo dhowr jeer ku dhuftay, waxaana xilliga uu dilku dhacyay ku sugnaa guriga lix caruur ah oo la dhashay wiilka dilay hooyadiis, waxayna xilliga uu dilku dhacayay ay maqlayeen qaylada hooyadood, inkastoo aysan waxba ka qaban karin.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafad ku taalla Waqooyiga magaalada Copenhagen, waxaana wiilka dilka geystay lagu magacaabaa, Fu’aad Maxamed oo 20-jir ahaa, iyadoo hooyadiis oo dhimatayna ay jirtay 42-sano.

Gabar ay wada dhasheen wiilka ayaa markii la dilay hooyadeed uuna walaalkeed ka baxsaday guriga waxay gashay qolkii ay qaylada ka yeeraysay, halkaasoo ay ku aragtay hooyadeed oo dhiig badan uu ka baxay.

Booliiska magaalada Copenhagen ay billaabay baad-goobka goob wiilka Somaliga ah ee dilay hooyadiis. Iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in wiilka hooyadiis dilay madaxa looga jiray, inkastoo aanay booliisku taas sheegin.

Aabaha dhalay wiilka ayaa la sheegay inuu joogo Soomaaliya, waxaana dhacadan ay cabsi weyn gelisay Soomaalida ku nool caasimadda Denmkar, waxaana falkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca dalkasa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya