4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Jaaliyadda Soomaalida ee MNPLS oo u Mahadceliyay Duqii Hore (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis ayaa waxay habeen hore qabteen kulan ay ugu mahadcelinayeen duqii hore ee magaaladaas, RT Rybak oo ahaa duqii 46-aad ee ay yeelado magaalada, waxuuna xilka hayay muddo toddoba sano ah, isagoo Soomaalida ku lahaa saxiibbo badan.

R.T Rybak waa nin fur-furan markuu goobaha ama kulamada Soomaalida yimaado waxaa lagu arkaa isagoo la sheekaysanaya dhalinta yar-yar, dhex-gala bulshada la sheekaysta una muujiya waji furan.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Ubax Biixi oo ah xaaskii Xuseen Samatar oo ahaa qofkii ugu horreeyay ee loo doorto kuraasta loo tartamo ee dalkan sanadkii 2010-kii sannadkii horena ku geeryooday MPLS.

Duqan xilka ka dagay dhamaadkii sannadkii hore ayaa Xuseen ugu magic-daray wado ama buundo ku taalla magaalada Minneapolis, Ubax waxay sheegtay inay Xuseen iyo R.T Rybak ahaayeen saaxiibbo isku dhow, waxay kulanka ku guddoon-siisay abaal-marinno ama shahaado sharaf ay ugu mahadcelinayso gacan-qabadkiisii jaaliyadda Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Khadiijo Cali oo ahayd qaban-qaabiyeyaasha kulanka kana mid ah ganacsada gobolka ayaa ka hadashay qiimaha ay Soomaalida ugu fadhido Minneapolis iyo duqeedii toddobada sano maamulayay, iyadoo sheegtay in Soomaalidu ay tan iyo xilligaa ku tallaabsatay horumar dhinac walba leh, iyadoo intaas ku dartay in sidii dhaqankeena xushmada lahaa ciddii ku wanaajisa aad waalid ahaan ugu xushmeen jirnay aan ugu mahad-celinayaa R.T Rybak inaan iraahdo mahadsanid adeer.

Cabdi Warsame ayaa isaguna sheegay in hoggaamiyaha saxda ah la ogaado xilliga dhibaatada, marka waxaan iloobeyn dadaalkii uu ka geystay dabkii ka kacay xaafad  Soomaalidu sannadkii hore billlowgiisa.

Waxaa isaguna goobta ka hadlay duqii hore ee Minneapolis, R.T Rybak wuxuuna hadalkiisa ku billaabay in Soomaalida ay u yihiin wax gooni u ah noloshiisa isagoo isticmaalay erayga Special, waxuu ka sheekeeyay saaxiibtimada dheer isaga marxuum Xuseen Samatar ku tilmaamay shaqsi aan sinaba xusuustiisa uga guuri karin.

Ugu dambeyn, waxuu ka sheekeeyay hawlahii xusuusta lahaa ay wado qabteen wuuna ka xusay sida dadka Soomaalida ee Muslimiinta ah wu heli lahaayeen ganacsi ay deyn ku qaataan kuna helaan lacag aan ribo lahayn waana mid aan ku guulaysanay buu yiri.

Siyaad Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota