4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
UHURU KENYATTA: “Somalidu waxay doonayaan inay dalkeena burburiyaan”

Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Soomaalidu ay doonayaan inay burburiyaan Kenya, isagoo sheegay inay ciidamada Kenya ka hortagaan in dalkooda ay burburiyaan.

Kenyatta ayaa hadalkan ka sheegay tababar loosoo xirirayay ciidammo booliis ah, isagoo sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan illaa dalka Kenya nabad laga dhigayo.

“Soomaaliya waa dal aan dawlad laheyn muddo dheer, marka Soomaalidu waxay doonayaan inay dalkeenna u bur-buriyaan sidii ay dalkooda u burburiyeen marka waan iska celinaynaa,” ayuu yiri Kenyatta oo intaa ku daray in dadka Soomaaliyeed aysan dalkooda dhibaatada la joogin oo ay Kenya iyo dalal kale lasoo galeen.

Madaxweynaha Kenya ayaa ka digay in la siyaasadeedyo howgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan magaalada Nairobi, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay dalka ka dhoofiyaan cid walba oo aan sharci lahayn.

“Soomaalidu markii dalkoodu burburay waxay u kala firxadeen dalal badan oo ay ka mid tahay Kenya, waxayna billaabeen inay isku dayaan inay dalalkaas burburiyaan, go’aanka aan dalkeenna uga saarayno dadka sharci-darrada ah waa inaanay u helin fursad inay dalkeenna burburiyaan,” ayuu Kenyatta hadalkiisa raaciyay.

Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa imaanaya isagoo Nairobi kulan kula qaatay xildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya, kuwaasoo uu u sheegay in howgallada socda ay yihiin kuwo dadka aan sharciga lahayn looga saari doono Kenya.

Ciidamada amniga Kenya ayaa waxay dhawaanahan howlgallo ka wadeen Islii oo ah xaafadda ay ka deggen yihiin Soomaalida magaalada Nairboi ee xarunta dalka, iyadoo howlgalladan lagu soo qabqabtay Soomaali badan oo qaarkood dib loogu soo celiyay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya