4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Dibadbax lagu taageeray Wasiirrada Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka dhacay


Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Bannaan-bax lagu taageerayo wasiirada maamul gobaleedka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban ayaa waxaa lagu qabtey fagaaraha hoteel Eeeden ee magaalada Baydhabo.

Dibadbaxan ayaa waxaa ka qayb-galay ardayda iskuullada iyo ururka haweenka Baydhabo, waxaana fagaaraha joogey dhammaan wasiirrada maamul Koonfur-galbeed ee lixda gobal.

Goobtii uu ka socday dibad-baxa ayaa waxaa khudbad ka jeediyay guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida Koonfur Galbeed, Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur isagoo sheegay in Koonfur-galbeed ay leedahay cadow badan loona baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii la isaga difaaci lahaa.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Cabdifataax Ibraahim Geesay ayaa si adag u sheegay in madaxda sare ee dowladda Muqdisho yihiin cadowga Koonfur-galbeed, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay in ra’iisul wasaare Cabdi weli Sheekh uu Kismaayo u joogo siduu u kala goyn lahaa Koonfur-galbeed, uuna u baabi’in lahaa midninmada iyo jiritaanka Koonfur-galbeed.

Dhinaca kal, maamul gobaleed Koonfur-galbeed ee saddexda gobal ayaa waxay saacadaha soo socda magacaabi doonaan golihii wasiirrada, iyadoo bulshada rayidka ay wadaan waan-waan iyo dib-u-heshiisiin lagu dhex-dhexaadinayo labada maamul ee iska soo horjeeda.



Hiiraan Online, Baydhabo