4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Ciidammo Ilaalinaya Xarumaha Qaramada Midoobay oo Muqdisho la keenay

Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Ciidamadii ugu horreeyay oo ka socda dalka Uganda looguna talo-galay inay ilaaliyaan xarumaha Qaramada Midoobay ay Muqdisho ku leedahay ayaa maanta soo gaaray Muqdisho.

Ciidamadan oo tiradoodu tahay 64-askari ayaa waxaa la socday saraakiil u dhashay dalka talyaaniga oo tababarro siinaya, waxaana ciidamadan ay xirnaayeen koofiyadaha lagu yaqaan Qaramada Midoobay, waxayna hordhac u yihiin 400 oo askari oo ilaalin doona xarumaha hay'adaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay bixin doonto dhammaan kharashaadka ku baxaya ciidamadan, iyadoo ciidamadan ay ka madax-bannaan yihiin kuwa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Afhayeenka milateriga Uganda, Paddy Ankunda ayaa u sheegay wargeyska New Vision in ciidamadan ay hoos-tegi doonaan Qaramada Midoobey, ayna qaybtan ka mid yihiin kuwii ugu horreeyay ee xarumtaha Qaramada Midoobay ilaalin doona.

Waa markii u horreysay oo Soomaaliya la keeno ciidammo gaar ah oo ilaalinaya xarumaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo imaanashaha ciidamadan ay timid markii xafiiska UNSOM ee Soomaaliya uu dalbaday in ciidammo gaar ah oo ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobay la keeno Soomaaliya.

Xarunta hay’adda horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP xafiiska ay ku leedahay Muqdisho ayaa waxaa weeraray sannadkii hore Al-shabaab, halkaas oo lagu dilay afar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ajnabiga ah iyo tiro ka mid ah ilaalada xaruntaas oo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dalka Uganda ayaa waxaa horay uga joogay Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo gacan ka siiya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya