Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Kulankan oo ahaa mid indhaha lagu wada hayay ayaa waxaa isaga hor-yimid laba kamid ah kooxaha ugu awoodda badan Yurub oo kala ah Real Madrid iyo Barcelona ,waxaana lagu ciyaarayay garoonka kooxda Valancia ee Mestella Stadium.
Real Madrid ayaa dhumisay fursadihii ugu badnaa qaybtii hore ee ciyaarta ,waxaana fursad loo filan karay gool ka qasaariyay Bale ka dib baas uu ka helay Banzema,halka Javier Mascherano ay ku dhacday kubad kale oo ka timid Bale balse banaanka ayey martay.
Angel di Maria ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqaddii 11-aad, kaddib baas ay isla heleen Banzema oo weerarka xalay u taagnaa Real ,waxaana Dimaria uu si sahlan u daba-mariyay kubadda gool-hayaha kooxda Barcelona Pinto oo ay ku adkayd inuu shabaqiisa ka ilaaaliya darbooyinka Real.
Fursaddii ugu qaalisanayd ee Barca waxa ay timid markii uu Jordi Alba uu kubad madax ah ku hardiyay Iker Casillas.,iyadoo sidoo kale Lionel Messi isna xerada goolka dhexdeeda kubad uu ka qaaday la waayay goolka.
Markii la isku soo laabtay qaybtii danbe daqiiqadii 68-aad Barca ayaa heshay goolka barbaraha markii Bartra uu madax ku dhaliyay kubad loo soo dhigay,iyadoo intaas ka dib ay ciyaartu isku badashay mid dheeli tiran.
Real Madrid ayaa heshay goolkii raja-beelka ka dib markii Bale uu la cararay kubada weerar celin ahayd,waxaana uu banooniga ku hortuurtay daafaca Barca Bartra oo ku guul-daraystay in uu celiyo, balse Bale ayaana kubadd tuuneer ah ka soo hoos bixiyay gool-hayaha .
Kooobkan ayaa noqonaya kii 19-aad oo ay Real ku guulaysato ,waxaana guuldaradda Barcelona soo gaartay ay noqonaysaa tii sedexaad oo isku xigta laga soo bilaabo markii laga reebay koobka Champions- liigga,waxaana shaki la galinaya awoodda Barcelona ka dib guul-daradan.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]