4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
NICHOLAS KAY: " xaaladda Taleex laguma xallin karo hab ciidan iyo dagaal"
Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay xiisadda ka taagan degmada Taleex ee gobolka Sool, degmadaas oo shalay ciidamo Somaliland ka tirsani ay qabsadeen inkastoo ay saacado kahor isaga baxeen.

Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa ku baaqay in xiisadda Taleex la qaboojiyo.

Kay ayaa dhammaan dhinacyada u diray farriin ah in ay dulqaad iyo tanaasul muujiyaan, si looga baaqsado dagaal khasaare geysta oo gobolka ka dhaca.

“waxaan ku baaqayaa in la muujiyo deganaansho, xaaladda laguma xalin karo hab ciidan, dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso waa in ay muujiyaan dulqaad, oo aanay ku kicin ficil keeni kara dagaal,waana in ay sida ugu dhaqsaha badan u damiyaan buuqa jira una qaboojiyaan xaaladda…” qoraal kasoo baxay xafiiska Nicholas Kay ayaa sidaas lagu yiri.

Ciidamada Somaliland shalay gelinkii dambe ayey si buuxda ula wareegeen degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaas oo xarun u ahayd maamulkii Khaatumo dhowaanna uu shir Khaatumo 3 loo bixiyey ka dhici lahaa.

Puntland ayaa si kulul uga jawaabtay arrintan, waxaana qoraal kasoo baxay madaxtooyada Garoowe lagu sheegay in Puntland aysan u dulqaadin doonon –wax lagu tilmaamay- daandaansiga ay Somaliland ku hayso  dadka iyo deegaanada Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya