4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
ITOOBIYA: Kooxo dabley ah oo rasaas khasaare geystay ku furay bas rakaab

Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyooday lix kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii koox dabley ah ay rasaaseeyeen gaari rakaab oo marayay magaalo la yiraahdo Assosa oo ku taalla soohdinta ay wadaagaan Itoobiya iyo Suudaan.

Saxaafadda Itoobiya ayaa ku warramaya in koox hubaysan ay gaari noociisu bas yahay rasaas ku fureen, taasoo sababtay in sagaal qof oo rakaabkii ka mid ahaa ay dhintaan, lix kalena dhaawacmaan.

Telefishinka dowladda Itoobiya ayaa war kooban oo laga baahiyay waxaa lagu sheegay in khasaaruhu inta la hubo ka badan yahay oo ay jiraan dad badan oo iyagoo dhaawacyo qaba ka cararay goobta.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay mads’uuliyadda weerarkaas ayay haddana xubno ka tirsan dowladda Itoobiya waxay ku eedeeyeen weerarkaas kooxo ka soo horjeeda xukuumadda, kuwaasoo loo maleynayo inay gacan-saar la leeyihiin xarakadda Al-shabaab ee Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo kooxo hubeysan ay rasaas ku furaan gaari ay la socdaan dad rakaab ah gudaha dalka Itoobiya, iyadoo aysan jirin sidoo kale kooxo sheegta weerarradaas, balse waxaa jira kooxoku kacsan Itoobiya oo ka geysta weerarro magaalooyinka ku dhow xuduudaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya