4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Ciidamada Somaliland oo isaga baxay degmada Taleex ee G. Sool

Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) —Ciidamada Somaliland ayaa goor dhow isaga baxay degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaas oo ay shalay gelinkii dambe la wareegeen.

Goob-jooge Taleex ku sugan ayaa Hiiraan Online u sheegay in ciidamada Somaliland ay si iskood ah magaalada uga baxeen, isagoo intaas ku daray in aan si dhab ah loo ogeyn halka ay u ruuqaansadeen.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay ku noqdeen fariisimihii ay markii hore ka yimadeen, oo deegaanka Xudun u kamid yahay. Warar kale ayaa sheegaya inay fariisimo hor leh ka sameysteen meel 15km Taleex u jirta.

Ciidamada Somaliland waxay saaka gudaha usoo galeen qaybo kamid ah xaafadaha Taleex, waxayna saraakiishoodu la kulmeen qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka degmada.

Dhanka kale, ciidamo tiro badan oo ka baxay magaalada Garoowe ayaa lagu soo warramayaa in ay Taleex ku wajahan yihiin.

Xaaladda Taleex ayaa xilligan ah mid deggen, waxaana sidoodii caadiga ahaa kusoo noqday dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Wixii warar ah oo kasoo kordha xaaladda Taleex dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

Maxamed Salaad Xaaji  Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya