4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Odayaasha Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeestay in Maamul lasoo Magacaabo


Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Kaddib kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Beledweyne xubno ka tirsan  gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayeey si adag uga soo horjeesteen maamul dowladda federaalka u soo magacaawdo gobolka.

Guddoomiyaha gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan nabadoon Xassan Kulmiye Waasuge oo warbaahinta la hadllay kadib kulanka odayaasha ayaa sheegay in marnaba aqbali doonin dhismaha maamul aysan soo dooran bulshada gobollka oo sida uu hadalka u dhigay laga soo magacaabo meel kale.

'Waxaan nasoo gaartay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay maamul u soo magacaabeyso gobolka Hiiraan, waxaan rabnaa in aan halkan fariin uga dirno mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda oo uu ugu horeeyo Xassan Sheekh Max'uud, waxaan leenahay madaxweynaha marar badan ayaan aqbalnay oo aan qaadanay wax aan inoo cuntamin, waqtigaas waa uu soo dhamaaday, ma aqbleyno in maamul gobolka Hiiraan loo soo magacaabo mar kale, ballan-ayeeynu laheyn madaxweynaha, madaxweynaha halkan ayuu inoogu yimid waxaa uu inoo sheegay in tallaabo aysan ogeyn odayaasha uusan qaadi doonin, siddaa daraadeed waxaan ka fileynaa in uusan ka bixin ballantii uu qaaday,'' ayuu yiri nabaddoon Xasan Kulamiye.

Odayaasha ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta keeni karta in gobolka Hiiraan oo kaliya dowladdu u soo dhisto maamul, halka bulshada ku dhaqan gobollada kale ee dalka ku howlan yihiin siddii ay u sameysan lahaayeen maamulkooda.

''Halkan [Beledweyne] waxaa mudo dheer ku sugnaa agaasimaha wasaarrada arrimaha gudaha, sababta uu halka u joogayna waxaa ay aheyd siddii loo diyaarin lahaa qorshe ama qaab dhismeed bulshada gobolka ay u soo dooran karaan maamulka ay iyagu doonayaan, shirar badan ayaan na dhaxmaray annaga iyo agaasimaha, ballantu waxaa ay aheyd in maamulka hadda jira uu badallo maamul shacabka ka soo dhax- baxay oo rabitaankooda ku saleysan, walina odayaasha dhaqanka haddii aynu nahay arrintaa ayaan ku taagannahay,'' ayeey  sheegeen gollaha odayaasha dhaqanka gobolka.

Nabadoon Xassan Kulamiye Waasuge ayaa intaa ku darray wax lala yaabo tahay xili lagu guda-jiro dagaal ka dhan ah Al-shabaab, dhinaca kale dowladda mashuul ku tahay dhismaha maamul gobolleedyo, isaga oo sheegay in looga baahan yahay cid kasta oo rabta in ay wax noqto marka hore ka qeyb-qaadato sidda uu hadalka u dhigay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Qofka raba in uu halkan uu wax ka noqdo waxaan leenahay tuutahaaga soo gasho ka qeyb-qaado dagaalka socda, kadibna waxa aad dooneyso annaga  na weydii, laakiin dowladda marnaba kama aqbaleynno in siddii ay doonto wax iska yeesho,'' ayuu yiri nabadoon Xassan Kulmiye.

Dhinaca kale odayaasha dhaqanka ayaa soo hadal qaaday wararka sheegaya in la wado qorshe la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada dhexe Soomaaliya, iyaga oo sheegay in aysan waxba kala socon qorshahaas la wado.

''Ma dooneyno in nidaamka federaalka ah la siyaasadeeyo oo cid walba qorshe iyada u gaar ah iska sameysato, gobolka Hiiraan waxaa uu ka mid ahaa Sideedii gobol ee Soomaaliya, waa gobol baaxad weyn oo dhaqaale ahaan isku fillan, waxaa uu u qalmaa labo gobol, isaga ayaa maamul gobolleed isugu fillan, sidaa daraadeed waxaan leenahay siyaasiyiinta ku howlan dhismaha maamulka gobollada dhexe, naga raali ahaada mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka, haddii  gobol kale wax lagu darsanayo mar walba waa arrin u taalla bulshada ku dhaqan halka,'' ayuu yiri nabadoon Xassan Kulmiye.

Wax yar uun kadib kulanka odayaasha  dhaqan gobolka Hiiraan dowladda Soomaaliya ayaa u magacaawday Cabdifitaax Xassan Afrax in uu mar kale noqdo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya