4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Kulan looga hadlay xoojinta dhalinyarada gobollada oo Muqdisho lagu qabtay


Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Degmada Howlwadaag ee Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta kulan ay ka qayb-galeen dhallinyarada 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, kaasoo looga hadlay sida loo xoojin karo dhallinyarada gobollada dalka iyo iskaashi dhexmara dhallinyarada.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 150-dhallinyaro oo ka kala socday degmooyinka ka tirsan Banaadir, kuwaasoo siyaabo kala duwan uga hadlay aragtidooda ku aaddan sida la isugu xiri karo dhallinyarada deggan deegaannada Al-shabaab laga saaray.

Guddoomiyaha degmada Hol-wadaag, Maxamed Abuukar Jacfar ayaa si faah-faahsan uga hadlay sida maamulka degmada iyo dhallinyarada isaga kaashan karaan ka hortagga Al-shabaab, isagoona sheegay in arrintaas ay ku hir-geli karto oo kaliya iskaashi dhex-mara maamullada degmooyinka gobolka Banaadir.

Jacfar ayaa ku boorriyay dhallinyarada ka qayb-galay kulankaa inay fursadaha ay haystaan ka faa'iideystaan, gaar ahaan waxyaabaha kulankan ay ka koror-sadaan, isagoona sheegay inay ku dhaqaaqaan go'aannada kasoo baxa kulanka oo aanay meesha uga tegin.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

"Wiilka cida ku soo kordhay ee ku cusub xaafadda waa inaan la dhihin waa wiilkii reer hebel, ogaada wiilkaasi inuu yahay kan fidnada wada waana in la qabto ama lagu wargeliyo ciidamada nabadgelyada" ayuu yiri Guddoomiye Jacfar.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay Jacfar in shacabka ay damiir xumo ku tahay inay ka aamusaan wiil yar oo meel gelinaya miino ama banmbo loosoo dhiibay, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska kaashadaan sidii looga hor-tegi lahaa cid kasta oo dooneysa falal  amni-darro.

Kulanka maanta ka dhacay degmada Howl-wadaag ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay guddoomiyeyaasha dhallinyarada degmooyinka Muqdisho, kuwaasoo iyaguna ka hadlay aragtidooda ku aaddan wacyi-gelinta dhallinyarada deggen goobaha laga saaray Al-shabaab, in la kordhiyo in qoontaq dhallinta iyo qodobbo kale oo lagu daryeelayo dhallinyaradaasi.

Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Wardhiigley, Maxamed Axmed oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in dhallinyarada loo sameeyo guddi ka shaqeeya midnimadooda iyo wada-shaqeyntooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay muhiim u tahay iskaashi dhex mara dhallinyarada nabadda iyo horumarka dalka.

Sidoo kale, waxaa hadlay guddoomiyaha dhallinyarada degmada Dayniile, Cali Xasan oo isna ugu baaqay dhallinyarada deggen goobaha Al-shabaab laga saaray iyo kuwii isaga soo baxayba inay ogaadaan wixii dhibaatooyin ahaa ee ay kusoo arkeen, loogana baahan yahay inay dadkooda iyo dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Kaaraan, Cabdikaafi Maxamed Makaraan ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka shaqeeyaan sidii ay u garab-istaagi lahaayeen dhallinyarada isaga soo baxeysa Al-Shabaab, isagoo u ballan-qaaday dhallinyarada diyaarka u ah inay ka baxaan Al-shabaab inay la garab-taagan yihiin taageero hiil iyo hooba leh.

Xubno kale oo iyaguna gooba ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin kuwo aan looga maari karin inay dalkooda wax u qabtaan ayna dalkooda si dhab ugu shaqeeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya