4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Iskaashaatada Gaadiidka Jubbooyinka oo billaabay Nadiifinta Waddooyinka


Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Iyadoo habeen kahor magaalada Kismaayo uu ka da’ay magaalada Kismaayo roob aad u weyn kaasoo biyo dhigay inta badan jidadka muhiimka ah ee mara magaalada, ayay iskaashaatada gaadiidka Jubooyinka ee loo yaqaan DALMAR waxa ay bilowday howlo biyaha wasaqda ah looga saarayo wadooyinka.

Saaka ayaa la arkayay gaadiid nooca booyadaha xambaaro oo biyaha wasaqeysan ka dhuraya qaar kamid ah wadooyinka magaalada, kuwaasoo ay dul ceeygaageen biyo wasaqeysan oo ka dhashay roobabkii ka da’ay Kismaayo.

Guddoomiyaha iskaashatada gaadiidka Jubooyinka ee DALMAR Mudane C/laahi Jaamac Xirsi, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howshani ay u fulinayaan si iskaa wax u qabso ah, wuxuuna xusay in howshani ay sii wadi doonaan si ay dib ugu soo celiyaan bilicda magaalada islamarkaana u nadiifiyaan wadooyinka ay biyo dhigeen roobabka.

Guddoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni oo isna warbaahinta la hadlay ayaa ku amaanay iskaashatada gaadiidka dadaalka ay wadaan, wuxuuna sheegay in howlahani iskaa wax u qabsada ah ay muujineeyso sida shacabka Jubbooyinka ay ugu bisilyihiin in ay dib u dhisaan deegaanadooda.

“Waxaan ugu baaqayaan bulshada kasoo jeeda Jubooyinka ee caalamka ku kala nool in ay u istaagaan sidii ay u horumarin lahaayeen deeganaadooda, intii ay $10 inta kaar kusoo shubtaan ay dhihi lahaayeen maxaa Jubooyinka ka jira, waxaan leeyahay $10 doolar iska ururiya oo ku dhisa deeganadiina,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Aalaaba marka ay da’aan roobabka, waxa ay biyo dhigaan wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, maadaama ay burbureen mariinadii biyaha ee ay dhistay dowladii hore ee Soomaaliya.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya