4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2014
Iska-horimaad Khasaare Geystay oo Xalay ka dhacay Degmada Qoryooley

Talaado, Abriil 15, 2014 (HOL) — Ugu yaraan lab qof oo dhinacyadii dagalaamay ka mid ah ayaa ku dhintay, tiro shan ruux ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku leeyihiin degmada, iyadoo mas’uuliyiin dowladda u hadlay ay sheegeen inay gacanta ku hayaan dhaawacyada qaar ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

“Weerar ayay xalay Al-shabaab kusoo qaaday degmada, waxaana dhacay dagaal muddo socday, balse Al-shabaab waxaan kala harnay dhaawacyo ka mid ah kuwii soo weeraray degmada oo ay awoodi waayeen inay qaataan,” ayuu yiri Sayid Cali Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa sheegay inay jirto dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay labada dhinac, inkastoo uusan carra-baabin tiradooda, isagoo intaas ku daray in waddooyinka degmada soo gala oo dhan ay xiran yihiin.

“Al-shabaab waxay shacabka ku nool tuulooyinka ku dhow-dhow degmada uu diideen inay ganacsiga keensadaan degmada, waana taas dhibaatada taagan,” ayuu hadalkiisa ku daray Sayid Cali.

Dhinaca kale, Al-shabaab oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegay inuu ahaa mid qorsheysan oo ay khasaare xooggan ugu geysteen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Qoryooley.

Degmadan ayaa waxay ka mid ahayd degmooyinkii Al-shabaab laga qabsaday bishii lasoo dhaafay, iyadoo dagaal ka dhacay degmadaas uu sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo fara badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya