4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
AGA oo London ku qabatay munaasabad Xus iyo Xusuus ah (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) —Akademiye Goboleedka Afsoomaaliga faraciisa Ingriiska ayaa wuxuu shalay oo sabti ahayd qabtay munaasabad baroordiiq ah oo loogu magac daray XUS IYO XUSUUS.

Munaasabaddaas ayaa lagu xusayey kaalimihii uu ka soo qaatay qoridda, fidinta iyo  hirgelinta far soomaaliga iyo doorkiisii diblomaasi, kii siyaasadeed iyo midkii uu ka tirsanaa bulshada rayidka Marxuun Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Shariif Saalax ayaa wuxuu ahaa guddoomiyihii guddigii af soomaaliga horraantii toddobaatameeyadii, guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda iyo wasiirkii Hiddaha iyo Tacliinta sare kadibna wuxuu danjire ka soo noqday dalalka Briteyn, Talyaaniga iyo Shiinaha. Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaasha Akademiye Goboleedka Afsoomaaliga (AGA) oo bartamihii sannadkii hore la dhisay, isagoo ka mid ahaa golaha fulinta.

Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ay soo wada shaqeeyeen aadna u yaqaanay ayaa wuxuu ka warbixiyey shakhsiyadda iyo qofka uu ahaa Shariif Saalax isagoo ku tilmaamay nin qaali ahaa oo kaalin muhiim ahaa banneeyey. “Shariif Saalax Maxamed Cali wuxuu ka mid ahaa dadka taariikhdu xusi doonto dalkiisa iyo dadkiisana wax badan u soo qabtay, wuxuuna ahaa halyey” ayuu yiri Dr. Afrax. Wuxuu kaloo aad uga hadlay kaalintii aqooneed ee uusan marnaba ka daali jirin.

Dr. Cabdulqaadir Ruumi oo ah ku xeel dheere cilmiga afka ayaa isna warbixin ballaaran ka bixiyey qoraalladii faraha badnaa ee Shariif Saalax. “Waa keyd u yaala ummadda soomaaliyeed meel walba ay joogto” ayuu yiri Ruumi.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN


Waxaa isna kaalintii diblomaasi ee Shariif Saalax ka hadlay Danjire Maxamed Cusmaan Cumar oo ku tilmaamay Shariif Saalax nin karti iyo aqoon dheer lahaa, ayna ka wada tirsanaayeen wasaaraddii arrimaha dibedda.

Diblomaasi Cabdulqaadir Suufi. (Muriiddi Golf) ayaa isna wuxuu ka warbixiyey kaalintii uu kaga jiray Shariif Saalax bulshada rayidka ah iyo sidii uu aqoontiisa diblomaasi ugu heli jiray xal mar walba oo kulamada ay lahayd buldhada rayidka ku sigato fashil, wuxuuna ku tilmaamay nin geesi ahaa oo aan ka gabban runta.

Waxaa iyagana halkaa ka hadlay dad ay soo wada shaqeeyeen iyo kuwa ay ka dhaxeysay saaxiibtinimo gaar ahba oo ay ka mid ahaayeen Dr. Cabbaas, Cabdi Deeq Xaashi, iyo Rashiid Sheekh Cabdilaahi.

Saciid Jaamac oo matalaya Akademiyedda AGA ayaa guddoonsiisey shahaado sharaf lagu maamuusayey Shariif Saalax Maxamed Cali madaxa AGA Dr. Afrax si uu ugu gudbiyo xarunta dhexe iyo golaha fulinta ee AGA ee uu ka tirsanaa Marxuun Shariif Saalax Maxamed Cali.

Waxaa iyadana maanso qurux badan ee uu tiriyey Bashiir Nuur Xirsi kuna cabbirayey kaalintii Shariif Saalax iyo sida loogu baahan yahay in bulshadu xusuusato halyeeyedeeda halkaa ka akhrisay Amina Muuse Wehliye oo uu uga soo dhiibay dalka talyaaniga.

Ugu dambeyntii waxaa halkaa looga akhriyey Faataxada looguna duceeyey in Ilaah u naxariisto kana abaal mariyo dadaalkii dheeraa ee uu ugu shaqeynayey ummadiisa si hagar la’aan ah.


Hashim Duale
Hiiraan Online, (UK)
[email protected]