4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Hay’ado ku baaqay in la joojiyo Jaadka ganacsi ahaanta looga keeno Kenya

Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Somalia ayaa ku baaqay in la joojiyo jaadka laga keeno Kenya, si xukuumadda Nairobi loo dareensiiyo inay isku xiran yihiin dhaqaalaha ay ka hesho Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaateynayaan.

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa laga sheegay hadalkan, iyadoo ururradan ay sheegeen inay baaqyo caalami ah u direen hay’adaha xuquuqda aadanaha ee calaamka, kuwaasoo ku saabsan in si dhow loola socdo dhibaatooyinka ay ciidamada Kenya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xiriiriyaha hay’adda INXA, isla markaana ka tirsan hay’adda xuquuqda aadanaha ee Ismaaciil Jimcaale, Cismaan Aweys Daahir oo wareysi siinayay BBC-da ayaa xusay inay kulankooda ay uga hadleen dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida Kenya ku nool.

“Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa aan caalamiga ahayn ee xuquuqda aadanaha waxaan u dooda u dirnay qoraal aan kaga dalbanayno inay il-gaar ah ku hayaan tacdiyada lagula kacayo Soomaalida Nairobi ku nool, taasoo ka baxsan sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadnaha, laguna xisaabtamo,” ayuu yiri Cismaan Aweys.

Aweys oo la weydiiyay in Kenya ay xaq u leedahay inay dalkeeda ka erido dadka ay uga shakiso inay dhibaatada ka wadaan, ayaa ku jawaabay inay taas xaq u leedahay, balse aysan ahayn in qof loo maleeyay inuu Soomaali yahay dhibaato uu geystay Soomaalida oo dhan loo bartilmaameedsado.

“Waxaan ku talinaynaa in baaritaan lagu sameeyo qoto-dheer lagu sameeyo sida ay ciidamada Kenya ula dhaqmeen shacabka Soomaaliyeed ee Kenya. Waxaan kaloo ku talinay in Soomaalidu ay joojiyaan jaadka ee uga yimaada Kenya si ay u dareento culeyska iyo faa’iidada ay leedahay Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Aweys.

Ugu dambeyn, xiriiriyaha INXA wuxuu sheegay in joojinta jaadka uu culeys badan ku keeni karo dowladda Kenya, isagoo xusay in bulshada Soomaaliyeed ay qaab mudaaharaad ahaan ah u joojiyaan jaadka, si Kenya ay u ogaato in Soomaalida ay dhibaateynayso iyo kuwa ay lacagta faraha badan ka helaan ay isku mid yihiin.

Hadalka hay’adahan ay soo saareen ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli magaalada Niarobi gaar ahaan xaafadda Islii ay ka socdaan howlgallo lagu qabqanayo dadka Soomaalida ah, iyadoo tiro dadkaas ka mid ah ay weli ku jiraan xabsiyada Nairobi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya