4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Danjiraha cusub ee Burundi oo Maanta laga guddoomay warqadihii aqoonsiga


Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta laga guddoomay waraaqihii aqoonsiga danjirenimo danjire cusub oo Burundi ay u soo magacdowday Soomaaliya, Joseph Nkurunziza.

“Burundi waa walaalo noo huray dhiiggooda si Soomaaliya ay nabad u noqoto, waxaana soo dhaweynaynaa danjiraha cusub ee ay Somalia u soo magacaabeen,” sidaa waxaa yiri madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Danjire, Joseph Nkurunziza ayaa uga mahad-celiyey madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo, isagoo xusay inay ka go’an tahay Burundi inay ka qaybqaadato qorshaha nabad soo celinta Somalia.

“Xukuumadda Burundi waxaa ka go’an inay taageerto dadaalka lagu raadinayo nabad ka hirgasha Soomaaliya. Shacabka Burundi waxay fahamsan yihiin muhiimadda ah in walaal loo gurmado marka uu gurmad u baahan yahay, waana sababta ay ciidamadeennu u joogaan Soomaaliya si ay nabada u soo celiyaan, waxaana xoojinaynaa taageerada Soomaaliya,” ayuu yiri danjiraha Burundi ee Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay in Somalia ay istaahisho taageero, waxaana beesha caalamka ugu baaqayaa inay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan Somalia, dowladana lagu garab-gala dib u dhiska hay’adaha si ay nabadda u soo celiyaan.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsan nahay taageerada Burundi ee dhanka amniga. Ciidamada Burundi waxay safka hore uga jiraan howlgallada looga horjeedo kuwa kasoo horjeeda nabad ka dhalata Somalia, waxayna qayb ka yihiin AMISOM. Ciidankeennu iyagoo kaashanaya AMISOM waxay maalin walba guulo ka gaaraan howlgallada socda, waxayna Al-shabaab kala wareegaan goobo cusub,” ayuu ku yiri madaxweynaha hadal uu jeediyay.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay khatar ku tahay Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale. Burundi waxaan kala shaqeyn doonaa sidii aan xiriirka labada dal u sii xoojin lahayn.

“Burundi waa walaalo jira oo aan marnaba la illaawi karin sida ay dhiiggooda ugu hureen sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd. Sidoo kale waxaan idin kaga mahad-celineynaa tababarka ciidamada Somalia oo maanta noqonaya ciidan tayeysan oo aan u diyaarinayno inay ammaanka dalka oo dhan la wareegaan xilli dhow,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, safiirka cusub ee Burundi ayaa fariin uu ka siday madaxweynaha dalkiisa, Pierre Nkurunziza soo gaarsiiyey madaxeynaha Soomaaliya oo uu ku ballan-qaadayo sida ay uga go’an tahay Burundi inay taageerto Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya