4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Madaxweynaha oo ka qaybgalay xus loo sameeyay Weerarkii Maxkamadaha


Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad lagu xasuusanayay dadkii ku dhintay weerarkii ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen maanta oo kale maxkamadda gobolka Banaadir.

Munasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: guddoomiyaha maxkamadda sare, wasiirka garsoorka, xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha ciidamada nabad-sugidda iyo asluubta, shaqaalaha maxkamadda iyo xubno kale.

Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka Somalia, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed oo munaasabadda ka hadlay ayaa u tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkaas oo dhacay 14-kii Abriil 2013-ka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, Avv. Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in weerarkaas uusan saameyn ku yeelan howlihii ay bulshada u hayeen, isagoo howl-wadeennada maxkamadda ku ammaanay sida ay ugu  taagan yihin howlaha ay bulshadooda u hayaan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka khudbad ka jeediyay goobta ayaa ugu horreyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay intii ku dhimatay weerarkaas, isagoo sheegay in dowladdu ay il-gaar ah ku eegi doonto ehellada dadkii weerarkaasi ku geeriyooday.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in isbedel lagu sameyn doono garsoorka dalka, wuxuuse ka digay inay dadka si qalloocan uga hadli doonaan, balse dowladda ay ka go'an tahay in garsoorka dalka isbedel lagu sameeyo

Weerarkaas oo ay mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku naf-waayay in ka badan 20-qof oo isugu jiray askar, kooxihii weerarka soo qaaday, garyaqaanno u doodayay eedeysanayaal iyo dad shacab ah.

Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Dheere oo weerarkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ahaa mid ay uga hortagayeen xukun aan kan ilaahay ahayn oo goobtaas laga fulinayay. Iyadoo weerarkan uu ahaa kii ugu weynaa ee ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya