4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2014
Al-shabaab oo ka Hadashay dagaallo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Bakool

Isniin, Abriil 14, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa ka hadashay dagaallo ka dhacay shalay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, kuwaasoo dhexmaray xoogag taabacsan iyaga iyo ciidamada Itoobiya ee AMISOM ioy kuwa dowladda oo isku dhinac ah.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalku uu qarxay kaddib markii ay weerareen gaadiid ciidamada Itoobiya sahay u siday oo ka yimid dalka Itoobiya, kuna socday degmada Waajid.

“Mujaahidiintu waxay weerareen gaadiid ka yimid Itoobiya oo ku socday degmada Waajid, waxaana dagaalku uu ka dhacay waddo isku xira degmada Waajid iyoYeed, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inay goobta ku arkeen maydadka shan askari oo ka tirsan kuwa Itoobiya ee AMISOM oo goobta looga cararay, ayna ka qaateen hubkii ay ku dagalaamayeen. Balse ma sheegin khasaare iyaga kasoo gaartay dagaalka.

Dhinaca kale, saraakiil u hadlay dowladda Somalia ayaa iyaguna sheegay inay dagaalkaas khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Al-shabaab, ayna ku dileen saraakiil Al-shabaab ka mid ahaa, inkastoo aysan magacyadooda sheegin, waxayna intaas ku dareen inay ka adkaadeen oo ay la wareegeen jidkii uu dagaalku ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalkan oo socday saacado badan ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen 17-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen, iyadoo weli xiisado la dareemayo.

Gaadiidkii sahayda u waday ciidamada Itoobiya ayaa gaaray dagaalka kaddib halkii ay ku socdeen oo ay ahyd degmada Waajid, iyadoo dagaalladan ay qayb ka yihiin kuwo ka dhashay is-hortaagyo ay Al-shabaab ku sameynayeen sahayda u socota deegaannada ay ciidamada Itoobiya ee AMISOM kaga sugan yihiin gobollada dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya