4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 12, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Kismaayo (SAWIRO)

Sabti, Abriil 12, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Jubba, Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa waxaa socdaalkan ku wehliyaan wasiir ku-xigeenno iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Isagoo shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kismaayo ku sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo sidii uu ugala hadli lahaa maamulka KMG ah ee Jubba horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga.

Madaxweynaha maamulka Jubba ayaa isna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada ra’iisul wasaaruhu uu ku yimid Kismaayo, isla markaana ay u gudbin doonaan xaaladda ka jirta deegaannada maamulka Jubba.

Waa booqashadii ugu horreysay ee ra’iisul wasaaruhu uu ku tago Kismaayo, tan iyo markii xilka loo magacaabay dhammaadkii sannadkii hore, iyadoo booqashadiisan ay qaadan doonto seddexda maalmood.

Booqashadan ayaa qayb ka ah socdaallo uu maalmahan uu ra’iisul wasaaruhu ku marayay gobollada dalka, isagoo horay u booqday degmooyinka Jowhar iyo Buulo-burte oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya