4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 12, 2014
DAAWO SAWIRRADA: Soomaalida ku xiran Garoonka Kasarani ee Nairobi


Sabti, Abriil 12, 2014 (HOL) — Soomaali fara badan ayaa weli ku xiran garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi, iyadoo ay saakay booqdeen mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Kenya.

Booqashadan ayaa waxay la xiriirrtay sidii ay mas’uuliyiintu ugu kuurgeli lahaayeen dadka ku xiran garoonkaas, kuwaasoo isugu jiray rag, dumar iyo waayeel laga soo qabqabtay xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Qaar ka mid ah haweenka ku xira garoonka ayaa sheegay in loo diiday inay arkaan oo ay nuujiyaan caruurtooda oo looga keenay guryahii laga soo qabtay, iyadoo ay ka mid yihiin dadka garoonkaas ku xiran caruur iskuulleey ah.

HALKAN KA DAAWO SAAWIRRO BADAN:

Ehellada dadka ku xiran garoonka ayaa loo diiday inay galaan, iyagoo tuban iridda hore ee garoonkaas oo noqday meel dadka lasoo qabqabto lagu xiro, iyadoo tani ay qayb ka tahay howlgallo ay ciidamada Kenya ku ugaarsanayaan Soomaalida.

Dadka ku xiran garoonka Kasaraani ayaa waxaa ku jira kuwo haysta waraaqaha qaxootiga ee UNHCR iyo hay’adda dowladda Kenya u qaabilsan diiwaan-galinta qaxootiga ee loo yaqaano DRA, kuwaasoo loo diiday inay halkaas ka baxaan.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa u sheegay dadka ku xiran garoonkaas in dadka haysta warqadaha aqoonsiga qoxootinimo ay ee UNHCR iyo DRA lasii dayn doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya