4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 12, 2014
Hay’adda Amnesty oo ka Hashay Soomaalida lagu Qab-qabanayo Nairobi

Sabti, Abriil 12, 2014 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay war-saxaafadeeed ay ku sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed iyo dadka magan-gelyo doonka ay haysato xaalad ah - laba daran mid dooro. Iyadoo booliisku ay kumannaan ruux ka qabqabteen Nairobi.

Hay’adda ayaa sheegtay inaysan jirin qof qaxooti ah oo la diiwaan-geliyay tani iyo bishii December ee sanadkii 2011-kii, kaddib markii la xiray xarumihii la isku diiwaan-gelin jiray.

Amnesty ayaa intaa ku dartay in dad badan oo u qalma in la siiyo magan-gelyo iyo inay qaxooti noqdaan in laga hor istaagay, taasoo keeneyso in lagu celiyo Somalia oo ay ka jiraan dhibaatooyiin iyo dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Ku-xigeenka agaasimaha hay’adda Amnesty ee Afrika, Michelle Kagari ayaa xustay in kumannaanka qof oo Soomaali magan-gelyo doon ah oo aan la diiwaan-gelin ay haysto xaalad xun oo aan caadi ahayn.

“Dowladda Kenya ayaa qaxootiga ku riixeyso inay raacaan sharci aysan jirin meel kaloo looga leexdo oo ay abuureyso, iyadoo loo muujinayo inaan la tixgelinaynin xuquuqdooda bini’aadamnimo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Amnesty.

Qaxootiga Soomaalida ah ayaa u sheegay Amnesty inay haysato cabsi, garaacid, iyo xarig sharci-darro ah kala kulmayaan ciidamada ammaanka oo guri-guri u u baaraya xaafadaha ay Soomaalidu deggen yihiin, gaar ahaan Islii.

Hay’adda u doodda xuquuqul aadanaha ee Amnesty International oo la hadashay qof lagu soo gaabiyay magaciisa Axmed oo 26-jir ah ayaa sheegay in toddobaadkii hore ay qabteen ciidamada ayna geeyeen garoonka Kasarani si warqadihiisa loo baaro aqoonsigiisa.

Axmed ayaa tilmaamay in habeen-barkii ay gurigiisa ku garaaceen booliska oo ay weydiiyeen aqoonsigiisa, waxa uu xaqiijiyay inuu dhamaaday waqtigii loogu talo-galay sharciga uu haystay. Waxaanu intaa raaciyay in loo sheegay inuusan sax ahayn aqoonsiga uu watay, laguna tuuray gaari oo la geeyay Kasarani.

Dadka magangalyo-doonka ah ee aan la diiwaan-gelin waxay ku jiraan halis, ayay tiri hay’adda oo sheegtay in dadka haysto warqadaha saxda ah la xirayo, la handadayo oo si xun loola dhaqmayo.

Sidoo kale, Maxamed oo ka mid ah dadkii laga qabtay lixdii bishan Abriil meel ku dhow xaafadda Islii ayaa Amnesty International u sheegay in “afar askari ay joojiyeen ayna weydiiyeen karakiisa aqoonsiga.

“Waaxan tusay kaarkeyga qaxootiga, waxay igu yiraahdeen sax ma ahan. Waxay i weydiiyeen inaan bixiyo 35,000 oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta $400 doollar. Markaan bixin waayay waxay igu eedeeyeen inaan Al-shabaab ahay wayna i wadeen,” ayuu yiri Maxamed oo sheegay in lagu xiray garoonka Kasarani halkaas oo qaxooti badan lagu baarayo.

Dowladda Kenya waxay qaaday howlgal ballaaran oo ay ugu magic-dartay Rudisha Usalama (Nabad soo celi). Tani iyo labadii bishan in ka badan 4,000 oo ruux ayaa laga soo qabtay Nairoib, dadkaasi oo u badan Soomaali.

“Xarigga noocaan oo kale ah waa midab kala sooc iyo waxaan suuro-gal ahayn. Bulshooyiinka oo la kala sooco maahan waddo wanaagsan oo amniga lagu soo celiyo,” ayay tiri Michelle Kagari oo ka mid ah saraakiisha hay’adda Amnesty.

Baacsiga dowladda ay ku haysto qaxootiga ayaa sare u kacay markii wasiirka arimaha gudaha Kenya, Ole Lenku uu sheegay 26-kii bishii Maarso in qaxootiga oo dhan ay ku noqdaan xeryaha qoxootiga Kenya.

Amnesty international oo ka hadashay dadkii dib loogu celiyay Somaliya iyo kuwa lacelin doono ayaa sheegtay in dad qasab loogu celiyo goobo ay halis tahay nolosha iyo xuriyadda inay dhibaato ku tahay xeerka caalamiga ah ee Qaxootiga oo Kenya looga baahan yahay inay tixgeliso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya