4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
Xukuumadda Turkiga oo ka Hadashay Shaqaale looga Dhaawacay Muqdisho

Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Xukuumadda Turkiga ayaa cambaareysay dhaawac loo geystay laba ka mid ah shaqaalaheeda ku sugan Somalia, kuwaasoo xalay ku dhaawacmay madfac ku dhacay xarun loo dhisayo safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Turkiga ayaa sheegay in madfaca ay soo tureen kooxo malleeshiyooyin ah uuna ku dhacay konteenarro yaalay dhismaha, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba shaqaalaha kaga sugan Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo lagu kala magacaabo Recep Keskin iyo Muhammed Yakup Saraç. Kuwaasoo Jimcaha maanta ah dhaawacyadooda loo qaaday magaalada Ankara si loogu daweeyo.

“Weerarku wuxuu ahaa mid fulaynimo ah, si adag ayaana u cambaareynaynaa. Waxaana rajeynaynaa in lasoo xiro kuwii ka dambeeyay weerarka lana horkeeno sharciga,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, waxaana intaas lagu daray in dowladda Turkiga ay sii wadayso garab-istaagga ay garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda tan iyo inta ay Soomaaliya kusoo laabanayso nabadda.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan wasaarada caafimaadka Turkiga ay gargaar deg-deg ah u sameeyeen shaqaalaha dhaawucu gaaray ka hor intii aan loo duulin Turkiga.

Danjiraha Turkiga u jooga Soomaaliya, Kamaludiin Kani Torun ayaan cidna ku eedeyn weerarka, iyadoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Bishii July ee sannadkii hore ayaa gaari miineysan lagu weeraray qunsuliyad uu Turkigu ku leeyahay Muqdisho. Kaasoo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaaladii xaruntaas, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab.

Weerar kale oo loo adeegsaday gaari miineysan ayaa bishii Abriil ee isla sannadkii hore lagu weeraray shaqaale ka tirsan haya’dda bisha cas ee Turkiga, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex ka mid ah shaqaalihii Turkiga, iyadoo uu ku dhintay mid ka mid ah shaqaalihii Soomaalida ahaa.

Ugu dambeyn, xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay in weerarkan uusan waxba u dhimi doonin howlaha dib u dhiska ah ee ay Soomaaliya ka wadaan, iyadoo intaa ku daray in taageerada Turkiga ay qayb ka tahay sidii ay Somalia uga caawin lahayd in ay cagaheeda isku taagto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya