4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
Qaramada Midoobay oo Ciidammo u Diraysa Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Golaha Amniga ee Qaramada Midobey ayaa u codeeyay in 12,000 oo askari oo nabad ilaaliyeyaal ah la geeyo dalka Afrikada dhexe, halkaasoo ay ka socdaan dagaallo diimeedyo u dhexeeya gaalo iyo muslimiin.

Dalka Afrikada dhexe ayaa waxaa hadda ku sugan 6,000 oo nabad ilaaliyayaal ah kana socda Afrika iyo 2,000 oo askari oo ka socda Faransiiska, kuwaasoo isku dayaya inay nabad iyo kala dambeyn kusoo celiyaan dalkaas.

Safiirka Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobey, Gerard Araud ayaa sheegay in codeynta ay ahayd mid muhiim ah, balse inaysan jirin xal waqti yar lagu gaari karo, isagoo intaas ku daray inay adag tahay in kala dambeyn lagu soo celiyo dalkaas oo dagaalkiisa uu ku salaysan yahay diin.

Madaxa ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, Edmond Mulet ayaa BBC–da u sheegay  inay afar bil qaadanayso in ciidamadaas la geeyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Waxaa jirta cambaareyn ah in Qaramada Midoobay ay si gaabis ah u wajahday xaaladda dalka Afrikada Dhexe oo tan iyo dhammaadkii sannadkii lasoo dhaafay ay ka socdeen colaado u dhexeeya dad aaminsan diimaha Islaamka iyo Masiixiga.

Agaasimaha guud ee kooxda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Philippe Bolopion ayaa sheegay in Muslimiin badan ay qexeen si ay uga badbaadaan inay dhibaatooyin u geystaan kooxaha masiixiyiinta ah.

Tallaabadan ay golaha ammaanka ku ogolaadeen inay ciidamada nabad ilaalinta ah ugu diraan dalka Bartamaha Afrika ayaa kusoo beegmaysa xilli dad badan loo dilay aanooyin la xiriira diinta ay aamisan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya