4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
Dadweynaha Hargeysa oo Cambaareeyey xariga Qaar ka mid ah Fanaaniinta

Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa madaarka Hargeysa ku xidhay dhawr maalmood ka hor gudoomiyihii Fanaaniinta Xidigaha geeska iyo Fanaanad Ikraan Jaamac oo safar gaaban kaga soo noqday magaaladda Muqdisho.

Ciidamadu ma sheegin sababta ay u xidheen labadan fanaan, haseyeeshee wararka aanu ka helayno ujeedada ka dambaysa xadhigoodda ayaa tilmaamaya inay Muqdisho u tageen inay Baasoboor ka soo qaataan taas oo hore xukuumaddu uga mamnuucday in Somaliland lala soo gallo.

Ciidanka amniga oo aanu isku daynay in aanu arintan waxka waydiino nooma suurogalin, haseyeeshee xadhiga Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax iyo Fanaanadda Ikraan Jaamac ayaa noqday waxa maalmihii u damabeeyey lagu hadal hayey magaaladda Hargeysa, taas oo dadweynuhu la yaaban yihiin sababta loo xidhay maadaama oo maalin walba dadka shacabka ahi tagaan Muqdisho kana yimaadaan,isla markaana aanay dambi ahayn tagitaanka Soomaaliya maadaama oo aanay siyaasiyiin ahayn.

Ururka Haweenka Somaliland ee Bariga magaalada London (Somaliland Assosition Women of East London), ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay Xorriyaddooda u soo celiso Abwaan Xasan Dhuxul (Laab-saalax) oo ah Guddoomiyaha Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska iyo Fannaaniin Kooxdaas ka tirsan oo Salaasadii toddobaadkan lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, dadweyne kala duwan ayaa cambaareeyey xadhiga fanaaniinta loo geystay, isla markaana ay afarta cisho ugu xidhan yihiin magaaladda Hargeysa.

“Labadan fanaan ee la xidhay waxay ka mid yihiin kooxda Xidigaha geeska, sida magaca ka muuqda geesku maaha Somaliland oo kaliya sidda darteed meel kasta way tagi karaan waana fanaaniin soomaaliyeed ee waxa khalad ahaan lahayd inay Somaliland madaxa banaanideedda wax ka sheegaan ama ka hor yimaadaan, laakiin wadan ay ka mamnuuc yihiin ma jirto in wadan aynu jaarnahay tagaan dambi maaha ”ayuu yidhi Cali Jaamac oo ka mid dadka ka soo horjeeda xadhitaanka fanaaniintan.

Si kastaba ha ahaatee, gudoomiyaha kooxdan fanka ee Xidigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax ayey walaalo yihiin afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul,isla markaana uu qayb madax ka yahay Telefishanka Qaranka Somaliland, taas oo laga yaabo inay ku lug leedahay xadhigiisu.

Qaar ka tirsan xidagaha Geeska ayaa casuumad ka helay wadamada Dibadda, kuwaas oo doonayey inay u baxaan dhowaan. Illaa hadda kama hadal kooxdan Fanaaniinta xidigaha Geeska xadhiga loo gaystay gudoomiyahoodda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland