4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
Shirweynihii 2-aad ee Maalgashiga Somalia oo lasoo gunaanaday (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Shirkii labaad ee maal-gashiga Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraatka Catabta, kaas oo ay ka qaybgaleen madax sare iyo wasiirro ka kala socota dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay, Saciid Ali Qorsheel, Yuusuf Macallin Amiin iyo raiisul wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa wafdi ka socday dalka Imaaraadka Carabta, rugta ganacsiga Dubai iyo safaaradaha dowladaha Mareykanka, Jarmalka, Taliyaaniga iyo Turkiga. Waxaa iyaguna goobta joogay shirkado gaaraya 70 shirkakood oo caalami ah oo daneeynaya inay maal-gashadaan Soomaaliya.

Shirka waxaa soo qaban-qaabiyay Somali Economic Forum, iyadoo kulanka intii uu socday ka hadlay ajnaanib iyo Soomaali, kuwaasoo tusaalooyin ka bixiyay Somalia iyo fursadaha ka jira xilligan iyo isbedelka dhinaca nabadda.

Agaasimaha Somali Economic Forum,  Xasan Muuse Dudde ayaa sheegay in maanta uu adduunka diyaar u yahay inuu Soomaaliya maal-gashado loogana baahan yahay shacabka iyo dowladaba inay xoogga saaraan sidii ay kaga faa’iideysan lahaayeen fursadan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Waxaa isna hadlay wasiirka gaadiidka circa, Saciid Cali Qorsheel oo yiri: “Shirkan wuxuu astaan u yahay isbedelka fiican ee ka jira dalka iyo inay Somalia dooneyso inay kusoo biirto beesha caalamka. Waxaan rajeyneynaa in shirkan kiisa kale uu ka dhoco Muqdisho.”

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Prof. Cali Geedi oo isna hadlay ayaa xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay saxiibbo iyo garab waxayse aad ugu baahan tahay buu yiir maal-galin, si loo abuuro shaqooyin badan xasilloonina loo helo.

Ugu dambeyn, waxaa hadlay Xasan Al=-Xashmi oo ka mid ah maamulayaasha sare ee Rugta Ganacsiga Dubai, isagoo sheegay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay mid sare u kacaya, uuna rajeynayo in haddii la maal-gashado dalka uu kor u kici karo dhaqaalaha.

Shirkan ayaa lagu tilmaami karaa kii ugu weynaa ee looga hadlay maal-gashiga dalka Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen dad badan oo ajnabi ah, iyagoo ku qancay habka maal-gashiga Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya