4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Maanta Booqashooyin kusoo kala bixiyay Degmooyinka Bulo-Burte iyo Jowhar (SAWIRO)


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somali, C/weli Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo sarakiil ka tirsan ciidanka ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay magaalooyinka Jowhar iyo Buulo-Burde.

Ra’iisul wasaaraha ayaa booqashadiisa ku bilaabay degamada Buulo Burde oo ka mid ah degmooyinkii dhawaan Al-shabaab laga saaray, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiil ciidan.

“Waxaan ku faraxsanahay inay Buulo-burte nasiib u yeelatay in safarkaygii ugu horreeyay koowaad oo dalka gudihiisa meel ka baxsan Muqdisho aan ku tago. Waxaan halkaan mar labaad tacsi uga dirayaa qooysaskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen shacabkii iyo ciidamadii ku dhintay is-miidamnitii lala beegsaday hoteel ay deggenaayeen,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiweli oo dhanka kalana xusay in Buulo-burte ay ahmiyad siyaasadeed iyo mid dhaqaale u leedahay dowladda Soomaaliya.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Al-shabaab waa qaran dumis, dhalinyaradii Soomaaliyeedna way habaabiyeen, waxaana shacabka Buulo-burte uga fadhinnaa inay hormuud u noqdaan sidii Al-shabaab looga ciribtiri lahaa meelaha ay gobolka kaga sugan yihiin. Maanta wixii ka dambeeyana  Buulo-burte waxay heli doontaa adeegyada dowladda.”

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, odayaasha dhaqanka ee degmada Buulo-burte ayaa sheegay inay ku jireen lixdii sano ee lasoo dhaafay cadaadis, jir-dil, caburin iyo dilal, laakiinse 12-kii bishii hore wixii ka dambeeyay inay heleen xorriyad, isagoo odoyaasha dhaqanka ka dalbaday dowladda inay u soo celiso adeegyadii asaasiga u ahaa nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka iyo  in loo sameeyo ciidan booliis iyo nabadsugid ah si ammaanka wax weyn looga qabto.

Waxaana isla goobta ka hadlay wasiirka amniga Qaranka, C/kariin Xusein Guuleed oo sheegay in si deg-deg ah dib loogu howl-galin doono saldhigyadii booliiska iyo nabadsugidda.

Dhanka kale, ra’iisu wasaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe halkaasoo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu hor kacayo maamulka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka, haweenka, xubnaha maamulka gobolka iyo dhallinyarada, waxaana uu intaas ku daray in xukuumadiisu dadaal dheeri ah ku bixin doonto sidii shacabka ku dhaqan degmada Jowhar u heli lahaayeen wixii dowladda uga maqan.

“Xukuumaddu waa idin la joogtay, waxaa maanta idinku cusub waa imaatinkayga, waxaana marar badan iska soo daba noqoday gobolka wasiirro xukuumadayda ka tirsan oo uu ugu horreeyo wasiirka beeraha oo ku howlanaa sidii dayactir loogu samayn lahaa kannaalada waraabiya beeraha, taasoo runtii ah tallaabo wanaagsan oo ka turjumaysa himilooyinka xukuumadda, waana wax lagu farxo ah in 23-sano kaddib ay dowladdu isku xil-qaanto wax ka qabashada kanaalladaas,” ayuu C/weli yiri, isagoo intaas ku daray in gobolka Shabeellada Dhaxe uu ka mid yahay kuwa halbowlaha u ah dhaqaalaha dalka, laga maarmaanna ay tahay in dowladdu ay ku dadaali doonto sidii dib u dhis loogu samayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddada isku xirta Jowhar iyo Xamar iyo In la mooso meelaha ay biyuhu kaga soo fatahaan xilliyada roobka.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayay ayaa yiri: “Xubin kasta oo golaha xukuumadda ka tirsan waxaa uu imaan doonaa Jowhar, waana waajib Qaran inuu qabto qaybta uga aaddan horumarinta adeegyada bulshada, waana lagula xisaabtami wasiirrada sida ay ugu shaqeeyaan shacabka. Xukumadayddu ma noqonayso mid ku ekaata Muqdisho, gobolka kasta waxa laga gaarsiin adeegyada asaasiga ah u bulshada.”

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay dadka reer Jowhar in safarkaani ahayn kii koowaad, isla markaan uu ugu imaan doono  safarro kale, si shacabka uu ula qaybsado talooyinka lagu horumarin karo dowladnimada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya